Dhacdooyinkii ugu dambeeyay Soomaaliya

Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ayaa 7 qof oo shacab ah ku dilay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, Madaxda Maamullada Puntland & Jubbaland oo Muqdisho soo gaaray iyo Ardaydii ugu badnayd oo ku dhacday Imtixaanka Dowladda - Tani waa dhacdooyinka Isbuucaan.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinkii ugu dambeeyay Soomaaliya

31 August 2020: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed dhan 920,000 oo dollar ku xukuntay Ganacsade Xaaji Gaabow kadib markii uu furtay Bangi sharci darro ah.

1 September 2020: Axmed Madoobe iyo Deni oo Muqdisho ka degay, iyadoo wadooyinka halbowlaha ah ee Caasimadda loo xiray imaanshahooda.

2 September 2020: Al-Shabaab ayaa weerar dhabba gal ku qaaday Kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya oo ka soo baxay degmada Afmadow ee gobolka jubbada Hoos, kuna sii jeeday dhinaca xuduudda.

3 September 2020: Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in Axmed Madoobe iyo Deni ka ogolaadeen inay Farmaajo la fariistaan, kana qeybgalaan Shir lagu dhameytirayo heshiiska doorashadda.

4 September 2020: Muuse Suudi Yalaxow, oo katirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in Farmaajo uusan dalka wanaag ka rabin, islamarkaana uu hogaankiisa noqday mid beelo gaar ah loogu adeeggo.

5 September 2020: Madasha Xisbiyada Qaran oo ku baaqay in shirka Muqdisho la ballaariyo, oo laga wada qeybgeliyo dhamaan saamileyda siyaasadda, si hanaan doorasho oo wado-ogol ah loo gaaro.

Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhashay miino lagu qariyay jawaan oo ka dhacay inta u dhaxaysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka ee magaaladda Muqdisho habeenkii Sabtida.

Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM ayaa 7 qof oo shacab ah ku dilay Sabtidii kadib markii qarax Miino lagula eegtay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, weerarkaas oo hal askari uga dhintay.

Sabtidii, Al-Shabaab ayaa shaacisay inay degmada Saakow ku toogatay 4 nin oo ay ku eedeysay inay la shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Soomaaliya, Kenya iyo midka Mareykanka ee CIA-da.

6 September 2020: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay Aqalka Sare ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal kasta oo xal loogu raadinayo khilaafka kala dhaxeeya DF.

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa shaacisayy natiijadda Imtixaanka Shaadiga ee Dugsiga Sare 2019-2020, kaasoo ay ku dhaceen ardaydii ugu badnayd amid tan iyo markii la billaabay Imtixaanka DF qaado.

Tirada guud ee gashay Imtixaanka waxay gaareysaa 33,727, waxaa baastay 25,177. Ardayda ku dhacday guud ahaantooda waa 8,550 [Wiilal: 5,231 Gabdho: 3319 ]. Waxay Wasaaradda sidoo kale shaacisay 100-ka arday ee ugu dhibcaha badan Imtixaanka, oo deeqo waxbarasho loo balan-qaaday.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.