Galmudug oo wajahaysa Xaalad Adag

Galmudug & Qoor-Qoor

Warbixin Keydmedia Online

Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa wajahaya xaalado adag oo cabsi leh, kaddib maalmo yar oo loo sameeyay bun-buunin Waaya-Aragga Galmudug oo dhan ugu sarreeya, waa Warbixin gaar ah oo ay Keydmedia Online ku eegeyso Amniga Galmudug Qoor-Qoor kadib. 

Galmudug & Qoor-Qoor

Tan iyo wixii ka dambeeyay goortii xilka loo dhiibay Qoor-Qoor oo ka tirsanaa xukuumaddii Xasan Cali Khayre, waxay boor isku qaris ka billaabeen deegaano hoos yimaada Galmudug oo uu safar dhulka ah ku maray madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayay, socdaalkaasoo loogu magac daray Safarkii Nabadda ayaa markii uu sii dhammaanayay waxaa magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay Shirweyne looga tashanayo arrimaha doorashooyinka kaasoo ay kasoo qeyb galeen Dowlad goboleedyada iyo Dowladda dhexe.

Madaxweynaha waaya-aragga ah ee Qoor Qoor ayaa lagu ammaanay doorkiisa ku aadan gogosha uu dhigay Dhuusamareeb, heshiiskii uu la galay madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf oo laga marooqsaday awoodda markii hore iyo awood u sheegashadii ASWJ, inkastoo DFS ay u sahashay, oo loo arkayay tallaabo wanaagsan mar haddii uu ka tirtiray Galmudug mid kamida Urur diimeedyadii diidanaa Galmudug in ay horay u socoto.

Laakiin, waqti yar kama soo wareegan markii ay ka billowdeen deegaanada Galmudug Dagaal Beeleedyo ka holcay afarta jiho ee Galmudug intii ay gacanta ku hayeen, in kabadan saddex ilaa afar mar ayey dagaal beeleedyo ka dhaceen deegaanada Galmudug ay maamusho kuwaasoo maleeshiyo beeleedyo hubeysan ay isku fara-saareen.

Dagaal beeleedyada soo noqnoqday ee hadda ka socda Galmudug waxaa horay ugu geeriyooday wasiir hore oo ka tirsanaa dowladdii uu hoggaaminayay Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaasoo lagu magacaabi jiray Marxuum Daahir Shidane oo kamid ahaa guddigii nabadeynta u aaday deegaanka Qalaanqalle oo ay isku dirireen Maleeshiyo beeleedyo.

Muddo toddobaad ku dhaw waxaa dagaal beeleed uu ka socdaa deegaan lagu magacaabo Holdooyaale oo ka tirsan gobolka Mudug kaasoo soo noqnoqday, tiro ka badan 10 ruux ayaana dagaalkaas ku geeriyootay iyadoo tiro kale oo intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa mar qura billowday Qaraxyo iyo Weeraro ka imaanaya dhinaca Kooxda Al-Shabaab ee diiddan jiritaanka Galmudug iyo Dowladd Dhexe labadaba, waxaana halis ku jira in uu xirmo garoonka diyaaradaha ee magaalada xarunta u ah maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb kaasoo meel u muuqata ay hub la fadhiyaan ciidamada Al-Shabaab kuwaasoo hoobiyayaal ku garaacay duleedka magaalada, iyo weliba in ay weerareen diyaaraddii Madaxweyne Qoor Qoor ka qaaday Garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb oo ay ku rideen dhowr gantaal oo ah kuwa lidka diyaaradaha balse ay ku guul darreysteen.

Waxaa dhowr jeer ciidamada milatariga Soomaaliya ee ka howl gala Galmudug lala eegtay qarax miino dhulka lagu aasay, tiro askar ahna wey ku dhinteen kuwa kalena wey ku dhaawacmeen dhowr qarax oo lala eegtay gawaari laamiga isku xira Dhuusamareeb iyo Guriceel maraysay kuwaasoo la bar-tilmaameed saday. Sidoo kalena uu ku dhintay qof shacab ah oo mooto ku marayay deegaankaas.

Galmudugta uu hoggaamiyo Qoor Qoor ee saaxiibka la ah Farmaajo, una diyaar garoobeysa soo laabashada mar kale iyo Farmaajo waxay xoogga iyo talada isugu geysay sidii ay qeyb uga qaadan lahayd Ololaha doorashada, waxayna ka gaabisay wax ka qabashada daagaal beeleedyada ka holcaya Galmudug.

Degmada Guriceel waxaa ka dhacay weerar Masaajid iyadoo ay tahay dhacdadii ugu horreysay ee nuuceeda ah ee ka dhacda Soomaaliya, waxaana looga soo horjeedaa dhacdadani in la furo qaar kamida masaajidda ku yaal deegaanka oo horay loo xiray, maamulka Galmudug oo u muuqda awooddiisii ciidan iyo middii maamulba in uu meel kale u weeciyay ayaa haatan lawada ogaaday dhibaatooyinka kusoo wajahan, KEYDMEDIA ONLINE waxay isha ku haysaa arrimahan aan kor kusoo sheegnay haddii ay wax ka qabanayaan iyo haddii kaleba.

Galmudugta hadda joogta oo la saadaalinayay in ay wax badan ka wanaagsanaan doonto kuwii hore ayaa u muuqata mid gadaal-gadaal u sii socota, Qowda maqashii waxna ha u qabanta Qoor Qooar waxay soo gaartay in uu qal qal amni ka jiro deegaanada markii horeba nabdoonaa ee ku jiray gacanta Galmudug.

Deegaanada ka maqan Galmudug ee ku jira gacanta Argagixisadda Al-Shabaab ayaa ka amni wanaagsan deegaanada ay maamulaan Galmudugta maanta ee gacan ku rimiska ah ee Qoor Qoor, mana jiro deegaanno hoos yimaada Galmudug oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyo oo aan ka ahayn tan ay maamulaan Qoor Qoor iyo kooxdiisa.

KEYDMEDIA ONLINE  




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.