Isku soo baxa Jimcaha iyo waxa laga filan karo

Warbixin Keydmedia Online

Maalinta Jimcaha oo ku beegan 26 Febaraayo waxaa lagu wadaa in uu dhaco Bannaanbax looga soo horjeedo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo, kaasoo isku badalay Kaliye-taliye cuburinaya xuquuqul qowlka, hadaba maxaa laga filan karaa Isku soo baxa Jimcaha.

Isku soo baxa Jimcaha iyo waxa laga filan karo

MUQDISHO, Soomaaliya – Horay waxaa u qabsoomi waayay isku soo bax kan ka horreeyay oo lagu waday inuu ka dhaco barxadda Daljjirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, 19 Febaraayo 2021. Haddaba waxaan is weydiin karnaa maxaa laga filan karaa Isku soo baxa Jimcaha?

Isku soo bixii ay iclaamiyeen golaha ay ku mideysan yihiin midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaatay diyaar garow xoog leh, hayeeshee Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhankiisa go’aan adag ka istaagay kaasoo uu kaga hor imaaayo bannaanbaxa, waxa uuna ciidamdiisa ku amray in lakala diro bannaanbaxayaasha.

Qaar kamida ciidamada dowladda gaar ahaan Haramcad, Waran, Gaashaan iyo Gorgor ay ku guuleysteen baajinta isku soo baxaasi, iyagoo weeraray mas’uuliyiintii ugu sarreysay ee abaabuleysay isku soobaxa, sidoo kalena rasaas huwiyay musharaxiin, xildhibaano iyo shacab ka qeyb qaadanayay bannaanbaxa, waxaana sidaa ku baaqday kulan weynihii toddobaad kahor la iclaamiyay.

Dhacdadaas oo lagu magacaabay dhacdadii "Jimcihii Madowbaa" ayaa caalamka oo dhan laga dhaliilay. Falkaas oo loo fasirtay mid dad gaar ah lagu dabar-jarayay, waxaa loo adeegsaday Ciidamadii, gaadiidkii, hubkii, hantidii iyo warbaahintii Qaranka ee la wada lahaa, waxaana howlgalka lagu fuliyay Ciidamada Gor-gor ee lagu soo tababaray dalka Turkiga iyo qalabka Milatari ee Dowladdaas ey deeqda u siisay Soomaaliya.

Banaanbaxa Jimcahaan

Mar kale iyo midowga musharaxiinta ayaa waxay ku baaqeen in la qabto isku soo bax kale maalinta Jimcaha oo ku beegan 26 Febaraayo, kulankaas oo ay sheegeen in mas’uuliyiinta midowga musharaxiinta ay u qaban doonaan sidii hore, iyagoo tilmaamay in aanay marnaba ka daalin isku soo baxa, hayeeshee su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay maxaa laga filan karaa taliska adag ee Farmaajo?

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa aaminsan in xukun jilicsan aan loo baahneyn, gacan bir ah in lagu qaban doono cid kasta ee ka hor imaata ayuu dhowr mar oo hore ka sheegay meel fagaaro ah, inta badan gabood-fallada ay geestaan ciidamada waxaa dusha laga saari jiray taliyayaasha ciidamda, hayeeshee awaamiirta adag iyo jixinjix la’aanta madaxweyne Farmaajo waxaa daaha ka rogay Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland oo toddobaadkan jeediyay khudbad ka careysiisay madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Turkiga oo horay u tababartay ciidamo badan oo Soomaaliyeed, islamarkaana siisay dabaabaad culus ayaa waxaa loo weeciyay hubkii iyo askartii in lagu caburiyo shacabka, si aysan usoo bandhigin dareenkooda ku aaddan maamulka Farmaajo ee xoogga ku jooga kursiga ugu sarreeya dalka ee Villa Somalia, maadaama uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Dadka reer Muqdisho waxa ay is weydiinayaan su’aalo ay ka mid yihiin; Dowladda Turkiga ciidanka ay qalabeysay qaladka kama qaban karto miyaa? Gabbood-fallada Gorgor geysanayaan ee Kali-talisku amray Turkigu ma oga miyaa? Dan kama laha miyaa? Saaxiibtinomada ay sheegayeen sax maaha miyaa iyo tan ugu muhiimsan oo ah Turkigu muu ka hadlo?

Haddaba waxaa la gudboon dowladda Turkiga ee taageerada la garab taagan madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo in ay ka fiirsato arrimaha keeni kara bur-burka dowladnimada Soomaaliya ee soo kabsanaysay soddonkii sano ee u dambeysay, dhammaan ciidamadii lagu soo tababaray waddankeeda iyo xeryaha ay maamulaan sida Haramcad, Gorgor, Gaashaan iyo Waran ayey dowladdu u adeegsaneysaa arrimaha doorashooyinka iyo ka hortagga bannaanabxyada nabadeed ee ay mucaaradku ku baaqeen.

Beesha Caalamka oo iyadu door weyn ku leh nidaamka dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana taageero buuxda siisa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaan weli qaadin tallaabo ku habboon sidii looga hortagi lahaa dhibaatada ka dhalan karta awood sheegada kooxda Farmaajo oo markaan waqtigu gabo-bago ka yahay, balse go’aansatay in aysan waxba ka tagin. Waxaana habboon in Beesha Caalamku hakiso dhaqaalaha, sidoo kalena waa in ay tallaabooyin adag ka qaadataa dhibaatada lagu hayo shacabka.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyaga laftooda waxaa laga sugayaa in ay isha ku hayaan ficillada gabood-falka ah ee ay ku kacayaan ciidamada ay maamulaan Fahad oo lagu xanto inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab iyo Farmaajo oo ah nin madax adag, xukun jaceyl dartiisna ay ka suurtowdo inuu dhiig udaadiyo sidii uu usii xajisan lahaa kursiga ugu sarreeya ee Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.