Maxaa looga aamusay Kiiska Ikraan Tahliil?

Gabadhan waxay NISA ku biirtay April 2017 xiligaas oo hay'adda agaasime ka ahaa Sanbaloolshe, oo isaga qoray, waxayna gacan-yare u noqotay AUN Eng Yariisow. Todobaad la hadalhayay kiiskeeda, saxaafadda iyo siyaasiyiinta waa ay ka aamuseen Kiiska Ikraan. 

Warbixin Keydmedia Online
Maxaa looga aamusay Kiiska Ikraan Tahliil?

Sawir Ikraan Tahliil [Farsamada: KEYDMEDIA]

Ikraan Tahliil Faarax nolol iyo geeri toona laguma hayo mudo ku dhaw saddex bilood, waxaana kiiskeeda uu noqday mid dowladda iyo NISA oo ay u shaqeynaysay tan iyo 2017 ay afka ka qabsadeen, taasoo keentay walaac oo soo foodsaarey qoyskeeda.

Waxaa la yiri "Caddaalad dib loo dhigay, waa caddaalad la dafiray". Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Genaral Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa 27-kii July 2021 sheegay inuu guddi u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Saddex Sarkaal oo ka kala socda Booliska, NISA iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo xil-saarey kiiskan, mana jirto illaa hadda warbixin ay ka keeneen. Dad badan ayaa la yaabay in cida ay Gabadhan ku maqan tahay inay iyada lee kiiska baareyso, oo aan jirin gudi madax-banaan.

Qoyska Ikraan ayaa diiday Gudigan la magacaabey, waxayna sheegeen inaysan ku kalsoonayn baaritaankooda, maadaama isla kuwii lagu eedeeyay kiiska ay iyaga lee haddana baarayaan. Waxay dalbadeen dad dhex-dhexaad ah in loo dhiibo.

Ikraan, oo 23 jir ah ayaa waxaa markii dad ugu dambeysay la arkay xili habeen ah, 26-kii June, xilligaas oo albaabka Gurigeeda oo ku yaalla inta u dhaxaysa xarunta NISA ee Habar-Khadiija iyo Hotel Global ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda Sirdoonka, sida lagu arkay muuqaal CCTV camera duubtay oo horyaalla Keydmedia Online. 

Maxaa looga aamusay?

Sida caadada ah, dalka Soomaaliya kiis kasta inta uu cusub yahay maalmaha hore ayay Warbaahinta iyo dadka ay hadal-hayaan, iyadoo kadibna la iska iloobo, taasoo keenaysa in cadaaladda ay shaqsiyaadka xukunka haysta ay gacanta ugu jirto, kuwaasoo wixii dembi ah oo dhankeeda ka yimaada ku daboola.

Musharixiinta mucaaradka qaarkood ayaa ka dhigtay Kiiska Ikraan olole doorasho, iyagoo u adeegsanaya hub ahaan, maadaama ay dagaalka kula jiraan Farmaajo, mana jirto qof ay dhab ka tahay raadinta Gabadhan la la'yahay mudada saddex bilood.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa rajo badan laga lahaa inuu u istaagayo raadinta Ikraan, balse ma dhicin, xitaa kama uusan hadlin hal maalin, waxayna cadeynaysaa inuu kiiskan oo Fahad Yaasiin ku biyo-shubtay isaga kursigiisa dhibaato ku keenayo hadii uu soo hadal-qaado.

Qoyska Gabadhan ayaa quus iyo rajo la'aan soo foodsaartay, kadib markii ay waayeen cadaalad iyo xafiis dowladeeda oo dacwadooda dhageysta, kana jawaaba, waxayna ku dhamaatay arintan aamusnaan.

Maxay Keydmedia ka ogtahay Kiiskan?

Keydmedia Online ayaa heshay dhamaadkii bishii lasoo dhaafay Xog rasmi ah oo ku saabsan arrinta Ikraan Tahliil Faarax oo ku dhex-maqan Hay'adda NISA oo ay u shaqeynaysay muddo afar sano ah.

Sarkaal sare, oo katirsan NISA, kaasoo codsaday inaan magaciisa qarinno, ayaa u xaqiijiyay KON inay Ikraan nooshay, islamarkaana lagu hayay guri ku yaalla degmada Xamar-Jabab, ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in Gabadhan dhowr meel loo wareejiyay tan iyo 26-kii June, oo ahayd markii la waayay, waxaana markii ugu dambeysay la geeyay Goob gaar ah, oo aan xabsi ahayn, maadaama baaritaan socdo, oo aan la dooneynin in la arko.

"Aniga ayaa indhahayga kusoo arkay Ikraan, waxaa lagu hayaa Guri qarsoodi ah oo NISA ka kireysatay degmada Xamar-Jabab, waxaa ka muuqday jirdil iyo dhaawacyo kala duwan, oo aan u maleynayo inay ku jirto xaalad culus, oo su'aallo la waydiinayo," ayuu yiri Sarkaalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Sarkaalka ayaa xusay in Fahad iyo Kulane Jiis ay ka fekerayaan waxa ay ka yeeli lahaayeen Ikraan Tahliil, oo hadda Kiiskeeda banaanka yimid, ishana lagu wada hayo hogaanka NISA, oo markii hore qorshihiisu ahaa dil oo qari.

Maxaa lagu haystaa Ikraan Tahliil?

Ikraan 1998 ayay dhalatay, sida muuqata waa Gabar 23 jir ah oo aad u da’yar, balse lahayd aqoon iyo xirfad sare, iyadoo soo qabatay shaqooyin culus, oo ay kamid tahay inay noqotay madax amaanka Internet-ka NISA iyo gacan-yaraha qaaska Eng Yariisow.

Shaqadeeda oo ahayd mid xasaasi ah ayaa loo sababeynayaa afduubkeeda, waayo waxay gabadhan haystay sida la sheegay xog iyo macluumaad hadii ay bixiso qarax siyaasadeed ku noqonaya Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Waxay haysay macluumaadka diiwaangelinta dhalinyaradii loo diray Eritrea ee la sheegay in loo diray dagaalka Tigray, oo aan kasoo noqon iyo xog kale oo la xiriirta dilkii AUN Eng Yariisow sida uu u dhacay 2019.

Waxay aaday dilka duqa Caasimadda kadib UK oo aqoon-korarsi dhanka Sirdoonka u aaday, waxaa dalka dib ugu soo celiyay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis oo u sameeyay balan-qaad been ah oo ay kusoo xero-gelinayeen, markii ay timidna ay afduubeen.

Xogaha xasaasiga ah ee Ikraan ay haystay ayaa keeni kara in loo afduubay Ikraan. Xildhibaan Mahad Salaad wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin uu lacag aad u badan u balan-qaadey Al-Shabaab inay sheegato dilka Gabadhan, si uu isaga uga baxsado baxarka uu ku jiro.

Gabar la deganayd qolka ayaa sheegtay in Ikraan laga soo wacay Taleefonka kadibna uu u yimid Gaari kaasoo uu la socday hal qof oo Darawalka oo kaliya ah, waxaana loo sheegay inay soo qaadato Labtop-keeda, oo shaqo loo dirayo, mana kusoo laaan guriga.

Muuqaal ay duubtay kaamiradda CCTV duubtay ayaa lagu arkay Ikraan oo Gaariga sii fuulaysa, waxayna aaday dhanka Godka Jilicow, waxaana la sheegay in habeen kadib halkaasi uu kasoo baxay Gaari Ambulance ah, oo NISA leedahay, lama oga waxa uu wadey.

Ikraan waxay ku dhex-maqan tahay isla hay’addii NISA, ee ay u shaqeynaysay tan iyo 2017, taasoo ragga madaxda ka ah ay yihiin manaxayaal caadeystay dhiiga dadka, kuna caan baxay dilalka siyaasadeysan. Ikraan Gacan cadow bay gashay, ALLAH haka soo samata-bixiyo!

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.