Gudiga Ciyaalka Xaafadda?

Gudiga Doorashooyinka…

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku dhawaaqay Guddiyada doorashadda iyo Xallinta Khilaafaadka, iyadoo liiska ay kasoo muuqdeen dhalinyaro Ciyaalka Xaafadda.

Gudiga Doorashooyinka…

MUQDISHO, Soomaaliya - Labada guddi ee heer Federaal waxaa kamid noqday xubno katirsan hay’adda Nabad Sugida Qaranka ee [NISA] iyo shaqaalaha rayidka, taasoo baal-marsan shuruucda dalka, islamarkaana dhaawacaysa kalsoonida lagu qabi karo inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah 2020-21.

Keydmedia Online ayaa heshay qaar kamid ah magacyadda liiska RW Rooble lagu soo diray, kuwasoo kala ah:

1 - Cabdinuur Maxamed Axmed, gacan-yarihii Farmaajo, oo ahaa agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.

2 – Liibaan Cismaan Nuur, oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Amniga, wuxuu xubin ka yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka, waana qofka 21-aad ee liiska uu Rooble soo saarey, saddex maalmood kahor.

3 – C/raxiin C/casiis Aadan, wuxuu kasoo muuqday Guddiga doorashadda heer Federaal. Waa shaqsi qaraabo yihiin Xildhibaan Shuuriye. Wuxuu maamule ka ahaa Hotel Paradise oo Muqdisho ku yaalla.

4 – Cabdi Guuleed, oo ahaa wariye katirsanaa Wakaaladda Wararka AP, waxaa lagu soo daray guddiga doorashadda, isagoo aan lahayn khibrad siyaasadeed iyo mid doorasho, waxay saaxiib yihiin Cabdinuur.

5 – Maxamed Maxamuud Caddow, oo ahaa agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar, wuxuu kamid noqday Guddiga Doorashadda ee Heer Federaal, ka eeg liiska, waa qofka 25aad.

Dhamaantood waa dhalinyaradii Farmaajo baraha bulshadda [Social Media] borobogaandada ugu sameyn jiray, oo Cabdinuur keenay iyo kuwa Sirdoonka Soomaaliya katirsan, oo Fahad Yaasiin soo xulay.

Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sheegay in Farmaajo iyo Rooble ay qaadi doonaan mas’uuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo isqabqabsi ka dhasha natiijadda doorashooyinka Baarlamaaniga iyo mida madaxweynaha, maadaama dhalinyaro aan dhex-dhexaad ahayn loo dhiibay maamulka doorashadda.

“In xubnaha NISA lagu soo daro howlaha doorashada waxay xadgudub weyn ku tahay hufnaanta hanaanka doorashada, waxayna cawaaqib xun ku yeelan kartaa natiijada doorashadda. Waxaan ku baaqeynaa in hey'adaha amniga laga fogeeyo maamulka doorashooyinka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

KON ayaa diiradda saartey musuq-maasuqa qaab dhismeedka guddiyadda doorashooyinka iyo qorshaha Farmaajo ee boobka iyo ku-shubadda doorashadda soo socota, oo musharaxiinta walaac ka muujiyeen.

Madaxweynaha wuxuu dhaawacay kalsoonida shacabka iyo xisbiyadda siyaasadeed, kadib markii afduubay hanaanka doorasho ee dalka, waxayna dad badan aamisan yihiin in kaligii-talis cusub yimid.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.