Ka digtoonaasho in Shirka Dhusamareb laga leexiyo Jidka toosan

Falanqeyn Mohamud M Uluso

11 Luulyo 2020 waxaa Magaalada dhusamareb ka furmay shirka 5ta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada (DG) Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DF). Ajendaha shirka wuxuu ahaa qabashada doorashada hay’adaha dastuuriga ee Soomaaliya oo kala ah Barlamaanka Federaalka (BF) iyo Madaxweynaha JFS ka hor dhammaadka muddo xileedka labadaas hay’adahood oo ku beegan 26da Disember 2020 iyo 7da Febraayo 2021. 

Ka digtoonaasho in Shirka Dhusamareb laga leexiyo Jidka toosan

BF wuxuu ka kooban yahay 2 Aqal oo iskaabaya oo kala matalaya shacabka soomaaliyeed iyo DG. Doorashada waa mas’uuliyad qarameed asaas u ah jiritaanka iyo adkeynta midnimada, wadaniyada, iyo dowladnimada shacabka soomaaliyeed.

Shirkaas waxaa ka soo baxay warmurtiyayeed ka kooban 4 qodob:

1. In doorashada BF iyo tan Madaxweynaha JFS la qabto ka hor dhammaadka muddo xileedkooda kor ku xusan oo aysan dhicin “dib u dhac,” taaso macnaheedu yahay in la diiday si caddaan ah ama ay xaaran tahay waqti kordhin muddo xileedka BF iyo Madaxweynaha.
2. In aysan marna suura gal aheyn qabashada doorashada hal qof iyo hal cod (HQHC). Waxaa xusid mudan inay been tahay in BF ansixiyay sharci doorasho HQHC oo waafaqsan dastuurka kmg.

3. In Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha DG ka wada tashadaan doorasho aan aheyn HQHC, taaso macnaheedu yahay doorasho dadban. Waxaa martiqaad loo fidiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare  Xassan Cali Kheyre si looga wada tashado habraaca doorashada dadban oo aan aheyn HQHC. Waxaa xusid mudan in 9 luulyo 2020 Golaha Wasiiradda isku raacay doorasho aan aheyn HQHC oo saamileyda siyaasadda heshiis ku noqdaan. 

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre waxay aqbaleen martiqaadka Madaxweynayaasha, waxayna yimaadeen dhusamareb ayagoo og mowqifka midka ah ee Madaxweynayaasha DG iyo ajendaha laga wada hadli doono. 

Suuragal ma ahan in saddexda sano ee soo socota la hirgeliyo doorashada HQHC

Nasiibdarro, RW Kheyre oo jooga dhusamareb toddobaad ka badan, waa iska aamusay, wuxuuna ka gaabsaday inuu ka hadlo xaqiijinta dhaqangelinta go’aankii Golaha Wasiiradda. Arrintaas waxay calaamad u tahay ka baaqashada gudashada waajib qarameed iyo dhaqan xumo dowladeed.

Nasiibdarro kale waxaa ah in Madaxweyne Farmaajo dhusamareb jooga 5 malmood, lana yimid in lagu taagero aqbalaadda doorashada HQHC oo la macno ah kordhinta muddo xileedkiisa sida ay caddeeysay Guddomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashada Qaranka (GMDQ) Marwo Xaliimo Ismaacil 27 Juun 2020. Waxaa halkaas ka cad in Madaxweyne Farmaajo dabajoogo dantiisa ah haysasha xukunka muddo ka badan 4 sano ee dastuurka uusan oggoleyn, iskana indha tiray ilaalinta dastuurka iyo maslaxadda guud ee dalka iyo dadka. 

Suuragal ma ahan in 3da sano ee soo socota la hirgeliyo doorashada HQHC oo waafaqsan dastuurka iyo mabaadi’ida iyo ujeedooyinka nidaamkaas dooorasho. 

Joogitaanka waqti lumiska, jaahwareerinta, buuq abuurka, iyo daneysiga shakhsiyadeed ee Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ee dhusamareb waxay abuureen soo shaax bixidda dhacdooyinka shirka looga leexinayo jidka toosan oo ah in Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre aqbalaan, abbaaran ujeedada lagu martiqaaday ama diidaan ujeedadaas oo ka tagaan dhusamareb. Joogitaanka dheer ee laba mas’uul ee dhusamareb oo isu beddelay fowdo abuur, wuxuu caddeyn u yahay inay labadaas mas’uul ku yar tahay damqasho, dareen, iyo xishood wadannimo iyo daryeelka danta guud. 

Dhacdooyinka soo ifbaxay waxaa ka mid ah: 

1. Warsaxafadeedka ka soo baxay Bulshada Ra’yidka oo aan munaasib aheyn, kana fogaa mas’uuliyadda laga sugayay bulshadda ra’yidka waayo waxay ka leexdeen jidka ku habboonaa oo ah tilmaamidda khaladka, gardarrada, iyo taageridda mowqifka ay ku qanacsan yihiin. Caqabada shirka ma ahan aaminadarro iyo tanaasul la’aan. Waa dastuur diid iyo damac xukun haysasho. Bulshada Ra’yidka waxay beesha caalamka ka codsadeen inay shirka ka yeeshaan mowqif mideysan, taaso sax ah, haseyeeshe aysan ayagu qaadan mowqif iyo ra’yi cad marka laga reebo baaq guud oo calwinaya  xaajada miiska saaran oo ah arrin dastuuri iyo masiir ah. 

Warsaxafadeedka wuxuu albaabka u furay dood qubane ah oo aan aabbe iyo hooyo (mas’uul)  laheyn. Jilayaasha mas’uulka ah xaajada way cad yihiin. Xaajada ma ahan mid u furan in koox kasta iyo qof kasta lugta la gasho. Haddii shirka la isku afgaran waayo, waxaa dhinacyada laga rabaa inay dadweynaha u caddeeyaan sababaha oo qaarkood ay haddaba muuqdaan, taaso lagu qiimeyn doono xilgudashooda.

2. Qoraallo lagu codsanayo in shirka ka qayb galaan kooxo aan ka mid aheyn hay’adaha hadda xaajada gacanta ku haya iyo dhinacyo kaalintooda horey uga gaabiyay.

3. Beesha caalamka oo farriimo khaldan, jaahwareer ah, u soo direysa shirka. Waa la soo gudbay waqti beesha caalamka ku taliso ama dalabto doorasho HQHC. Jidka furan waa doorashada dadban oo aan la barxin ee Madaxweynayaasha DG soo jeediyeen.

4. War ka soo baxay madasha Xisbiyada Qaranka oo ahaa inay taagersan yihiin doorashada HQHC oo loo qaatay inay ulajeedaan gorgortan dib u dhigid doorashada 2020/2021 iyo dhismaha xukuumad cusub ayadoo la beddelayo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre. 

5. Odayaal dhaqameed oo aan loo carbin ka hadalka xaajada miiska saaran oo ah ilaalinta dastuurka kmg iyo sharciyeynta xukunka dowladnimo ayaa loo abaabulay inay ka hadlaan idaacadaha si loo abuuro jawi siyaasadeed oo isku dhex yaacsan ah.

Dhacdooyinka kor xusan waxay taageranayaan damaca iyo qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo dhaqanka kooxda N&N oo tixgelinta waqtiga, ilaalinta dastuurka iyo maslaxadda iyo danta guud ee dalka iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo ay uga muhiimsan tahay xaqiijinta hadafkooka keligitalisnimo iyo ku haysashada xukunka muddo dheer qaab kasta oo sharcidarro ah. 

Waxaa muhiim in jilayaasha bulshada sida bulshada ra’yidka, warbaahinta, aqoonyahannada, iyo siyaasiinta ay cabbiraan aara’dooda ku aadan xaajada, ajendaha shirka dhusamareb oo ah qabashada doorashada federaalka 2020/2021 oo xor iyo xalaal ah si waafaqsan waqtiga ku qeexan dastuurka kmg iyo marxaladda siyaasadda, nabadgelyada, iyo duruufta bulshada ku sugan tahay. 

Cidna kama dahsoona in Dowladda Madaxweyne Farmaajo si ula kac uga gaabisay diyaarinta doorashada HQHC oo Guddoomiye Jawaari bilaabay bilowgii 2017. Waa gardarro iyo raadreeb in Madaxweyne xilkiisi gudan waayay lagu abaalmariyo taagero kordhin muddo xileed. 

Qiimeynta sababaha iyo mas’uuliyadda burburka shirka waxay imaaneysa marka bulshada daristo waxa dhacay iyo mowqifyada dhinacyada qaateen iyo xikmadaha ka dambeeya. Xaqiiqada waxay tahay in DG ay horsed ka noqon doonaan doorasho haddii DF aysan oggolaan doorasho dadban oo leh nidaam cad ee meelmar ah marka la tixgeliyo duruufaha la marayo. La isdul saarnaan maayo ilaa bisha Nofember 2020. 

Shacabka Galmudug, gaar ahaan reer dhusamareb waa la gudboon inay dulqaataan, adkeeyaan nabadgelyada iyo martigelinta, lana socdaan arrimaha shirka si xogogaalnimo iyo dhiifoonaan ku jirto.  

Madaxweynayaasha DG waxaa laga sugaya inay dadweynaha u sharraxaan wixii dhacay kaddib imaashihii Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre. Rajadu iyo dowladnimada waxay ku jirtaa inay difaacaan mowqifkooda wadajirka ahaa. 

Dr. Maxamud M Culusow




Falanqeyn 30 July 2022 2:43

Bulshada Soomaaliyeed waxay ku jirta Alle ku shukri, miyirsi, iyo sahan jiho kaddib markii ilaahey ka badbaadiyay qalalaase siyaasadeed, colaad sokeeye iyo burbur dowladeed ay qarka u saarneyd. Ilaahey wuxuu Soomaaliya ka dulqaaday xukunkii cadaadiska, maamulxumada, xagjirnimada, iyo daneysiga ku dhisnaa ee dalka ka talinayay 5 sano iyo barkii la soo dhaafay.