Farmaajo oo ka walaacsan Ciidanka Itoobiya ee dalka ka baxaya

Kulanka ayaa yimid kadib markii Itoobiya ay billowday inay Ciidankeeda, kuwa aan kamid ahayn AMISOM kala baxdo dalka Soomaaliya, si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah TPLF.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ka walaacsan Ciidanka Itoobiya ee dalka ka baxaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kulan kula yeeshay Muqdisho Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka, Amb. Jamaaludiin Mustafa.

Kulanka ayaa yimid kadib markii Itoobiya ay billowday inay Soomaaliya kala baxdo Ciidanka aan katirsanayn AMISOM, si ay difacaan dalkooda oo hadda dagaal sokeeye ka qarxay, kaasoo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho gobolka.

In ka badan 3,000 oo askari ayay dowladda Itoobiya kala baxday Soomaaliya, kuwaasoo baneeyay degaanno ku yaalla Baay, Bakool iyo Gedo, oo ay sidee sheegeen Kooxda Al-Shabaab ka difaaci jireen mudo dhowr sano ah.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo dhawaan xilka la wareegay ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay danjiraha Itoobiya uu ahaa mid looga hadlay iskaashiga labada dalka ee deriska ah, gaar ahaan xagga amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Itoobiya ayaa mudo dheera faragelin ku haysay Soomaaliya, oo ay hubeyn jirtay hogaamiye kooxeedyadii dalka burburay, iyadoo dowladda la'aanta uga faa'idaysatay, waxaana wali jira gumeysiga dadban iyo lugooyadda ay Addis Ababa ku hayso madaxda Soomaalida.

Farmaajo ayaa markii uu Abiy Axmed noqday Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ka dhigtay gacantiisa midig iyo saaxiib dhaw, wuxuuna uga tasuule qaataa xukunka kaligii-talisnimada iyo caburinta Mucaaradka iyo Saxaafadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.