Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Isbedello waaweyn oo rajo geliyay shacabka ayaa dhacay Todobaadkan, kuwaasoo meesha ka saarey hubanti la'aantii doorashadda, waxaana guulaha Mucaaradka ee Baarlamaanka dharbaax ku dhufteen Farmaajo, kala soco Dhacdooyinkii ugu waaweynaa Warbixinta Keydmedia Online.

Warar Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

23 April 2022: Axmed Madoobe ayaa soo afjaray boobkii doorashadda Jubbaland, isagoo jeebka ku ritay 16-kii Kursiga ee muranka ka taagnaa, oo loo geeyay meel uu ku boobi karo. [Halkan ka akhri].

24 April 2022: Qoor-Qoor oo in badan waqtigiisa ku bixiyay joogitaanka Muqdisho, ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay hogaaminta Galmudug, oo hadda wajahaysa xaaladdo adag. [Halkan ka akhri].

25 April 2022: Askarta NISA ee ka amar-qaata Fahad Yaasiin ayaa weerar ku qaadey Xildhibaanno laga soo doortay Ceel-Waaq xili lagu dhaarinayay Decale hotel oo Garoonka Muqdisho ku yaalla. [Halkan ka akhri].

26 April 2022: Wasiirka Amniga ayaa Taliyaha Booliska, ku eedeeyay inuu meel iska dhigay ka shaqeynta howlaha amniga, una tallaabay far-galinta arrimo siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. [Halkan ka akhri].

Cabdi Xaashi ayaa markii 2aad loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare, isagoo ka adkaadey Mushariixintii Fahad Yaasiin, waxayna guushiisa albaalabada u furtay in Mucaaradka uu la wareego hogaanka Baarlamaanka 11-aad. [Halkan ka akhri].

27 April 2022: Taliyaha booliska ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii uu ku milmay siyaasadda, oo qeyb ka noqdey ololaha Farmaajo, isagoo billaabay inuu si gaar ula kulmo Xildhibaano. [Halkan ka akhri].

28 April 2022: Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ku guuleystay tartanka gudoomiyaha Gollaha Shacabka kadib markii Mucaaradka ay taageereen, oo afka ciida loo daray Musharixii Villa Somalia Xasan C/nuur. [Halkan ka akhri].

29 April 2022: Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay Maxamed Cabdullahi Farmaajo in uusan lahayn wax fursad ah oo mar kale loogu dooran karo madaxweynaha dalka. [Halkan ka akhri].

30 April 2022: Sheekh Aadan Madoobe ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Maxamed Mursal oo afar sano hayay, waxaana Xildhibaanada la siiyay maalmo fasax ah, Ciida darteed. [Halkan ka akhri].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.