Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey Galmudug ayaa qabsatay cinwaanada warbaahinta gudaha iyo Caalamiga kadib markii si lama filaan ah usoo rogaal celisay Ahlu Sunna, kala soco Macluumaad kale Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

4 October 2021: RW Rooble ayaa safarkii ugu horeeyay ku tagey Doha kadib markii uu ku casuumey amiirka Qatar Sheekh TamimBin Hamad Al-Thani oo siyaasadda Soomaaliya afartii sano ee Farmaajo aad saameyn ugu lahaa. [Halkan kasii akhri].

5 October 2021: Mid kamid ah Odayaasha ugu waaweyn ee dhaqanka Habargidir ayaa taageero u muujiyay Qoor-Qoor, isagoo kasoo horjeestay duulaanka Ahlu Sunna ay ku tahay degaanada laga hirgeliyay Maamulka Federaalka ah. [Halkan kasii akhri].

Labo Xildhibaan ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaaladda Jowhar, ee Caasimadda HirShabeelle halkaasoo dhawaan ka dhacday doorashadda Aqalka Sare. [Halkan kasii akhri].

Musharax Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay arrimaha ka jira Galmudug, gaar ahaan colaadda, kiiska Ikraan Tahliil iyo Khilaafka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble. [Halkan kasii akhri].

6 October 2021: Abaar ayaa ku dhufatay qeybo kamid ah Jubbaland, iyadoo dadka ku nool iyo duunyada ay u dhimanayaan gaajo iyo haraad, iyadoo ay jirto biyo la'aan. [Halkan kasii akhri].

Al-Shabaab ayaa Meel fagaaro ah oo ku taalla degmada Jamaame ku toogatay labo qof oo Soomaali ah, iyadoo toogashadda ay kasoo qyebgaleen dadka degaanka. [Halkan kasii akhri].

7 October 2021: Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada kasoo jeeda gobollada Dhexe ayaa isku khilaafsan qaabka Galmudug u wajahayso ururka Ahlu Sunna. [Halkan kasii akhri].

Sarkaal sare oo horey uga tirsanaa NISA ayaa shaaciyay inay Fahad iyo Farmaajo diyaariyeen qorsho lagu dilayo shaqsiyaadka baaritaanka ku haya kiiska Ikraan Tahliil. [Halkan kasii akhri].

Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi ayaa iska casilay xilka kadib markii isaga iyo Qoor-Qoor isku khilaafka arinta Ahlu Sunna iyo sida Kooxda loo wajahayo. [Halkan kasii akhri].

8 October 2021: Kenya ayaa ku dhawaaqday inaysan aqoonsan doonin go'aanka Maxkamadda ICJ ee kiiska Badda kaasoo la filayo inuu soo baxo 12-ka bishan [Halkan kasii akhri].

9 October 2021: Keydmedia ayaa warbixin ka diyaarisay halja uu Qoor-Qoor u wado Galmudug. [Halkan kasii akhri].

10 October 2021: Gudiga doorashooyinka heer Federaalka ayaa RW Rooble la wadaagey caqabada hortaagan doorashadda Aqalka Hoose. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.