Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxaa soo baxay habraac cusub oo dood iyo khilaaf horleh ka abuuray Soomaaliya xili doorashadda Aqalka Sare ay joogsatay, Macluumaad badan kala soco Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

22 August 2021: Maamulka Gobolka Banaadir oo la degay Musuq-maasuq baahsan ayaa ku fashilmay inuu bixiyo Mushahaarka iyo xuquuqda Shaqaalaha u shaqeeya, iyadoo dhaqaalaha soo galo loo adeegsado dano gaar ah. [Halkan kasii akhri].

Waxaa war-murtiyeed laga soo saarey Shir lagu qabtay Muqdisho, kaasoo lagu soo saarey habraaca cusub ee doorashadda Aqalka Hoose, iyadoo Madaxda Maamullada iyo Rooble ay wax ka bedeleen qaabkii lagu heshiiyay. [Halkan kasii akhri].

Ciidamada Badbaadada gobolka Hiiraan ayaa la wareegay magaaladda Beledweyne, kuwaasoo kasoo horjeeda Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe. [Halkan kasii akhri].

23 August 2021: Midowga Musharixiinta ayaa aad uga soo horjeestay habraaca doorashadda Aqalka Hoose, ee ay ku heshiiyeen DF iyo Maamullada, iyagoo dalbaday in aan lagu xadgudbin heshiiskii doorashadda dadban. [Halkan kasii akhri].

Kadib go'aanka diidmada, Madaxda Maamullada iyo Rooble ayaa shir deg deg ah la yeeshay Musharixiinta, waxayna ku magacaabeen gudi kasoo tala-bixiyo qodobada khilaafka dhaliyay.

24 August 2021: Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey degaanka Camaara oo kamid ah goobihii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug Koonfurta Mudug. [Halkan kasii akhri].

25 August 2021: Banaanbax looga soo horjeeday Al-Shabaab, laguna taageerayay Ciidanka howlgalka kawado Mudug ayaa lagu qabtay Koonfurta magaaladda Gaalkacyo. [Halkan kasii akhr]. 

Nin Soomaali ah ayaa weerar ka fuliyay banaanka Safaaradda Faransiiska ee dalka Tanzania, isagoo isla goobta ay ku toogteen Ciidamada amaanka. [Halkan kasii akhri]. 

26 August 2021: Keydmedia ayaa ogaatey in Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo uu qorsheynayo inuu baajiyo safar Rooble iyo Madaxda maamullada ku aadayaan dalka Sacuudiga. [Halkan kasii akhri]. 

27 August 2021: Wiil dhalinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa xabsiga la dhigay magaaladda London, kadib markii uu dhacay lacag aad u badan. [Halkan kasii akhri].

28 August 2021: Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tooshka ku ifiyay cida ka dambeysa colaadda ka hureysa gobolka Hiiraan. [Halkan kasii akhri].

Xog ay heshay Keydmedia ayaa sheegaysa in kulan qarsoodi ah oo dhexmaray Farmaajo iyo Qoor-Qoor oo ka dhacay Villa Somalia, ayaa kusoo dhamaadey fashil. [Halkan kasii akhri].

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa markale hadashay, waxayna sheegtay in Fahad Yaasiin uu balanta uga baxay oo Farmaajo iyo Rooble ay taleefonka ka qaban waayeen. [Hakan kasii akhri].

29 August 2021: Sida ay sheegtay safaradda Soomaaliya dalka Ruushka, waxaa la soo badbaadiyay muhaajiniin Soomaali ah oo maalmihii la soo dhaafay ku dhibaateysanaa xadka dalalka Belarus iyo Lithuania. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.