Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa mid dhacdooyinkiisu badanaayeen, oo murugo xambaarsan, iyadoo dhanka doorashadda isbdel ku yimid, kala soco wixii ku dhaafey Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka, ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

28 November 2021: Burburin xoogan ayaa ka socota Muqdishu, oo lagu bartilmaameesanayaa goobaha ganacsiga yaryar, kuwaasoo NISA lacah baad ah ka qaado. [Halkan kasii akhri].

29 November 2021: Rooble ayaa u sameeyay Musharixiinta balan-qaad afka baarkiis ah, isagoo horey usii watey howshiisa doorashadda sida aadka ah loo dhaliilay. [Halkan kasii akhri].

30 November 2021: Keydmedia ayaa ogaatey in Rooble qeyb ka noqdey kooxda ololaha Farmaajo, oo ka shaqeynaya fududeynta boobka kuraasta Aqalka Hoose. [Halkan kasii akhri].

December 1 2021: Musharixiinta ayaa markii ay arkeen boobka Farmaajo ee doorashadda, shaaciyey inay dhisayaan dowlad KMG ah, oo talada dalka la wareegta. [Halkan kasii akhri].

December 2 2021: Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab, oo si aad ah NISA u baado-goobeysay ayaa lagu dilay howlgalka qarsoodi ah oo ka dhacay Caasimadda. [Halkan kasii akhri].

Sirdoonka Eritrea ayaa la keenay Muqdisho, waxayna saldhig ka sameysteen Villa Somalia, iyagoo Afwerki usii direy howlgal gaar ah oo lagu caawinayo Farmaajo. [Halkan kasii akhri]

December 3 2021: Musharixiinta Mucaaradka ayaa 10 qodob oo sharuudo ah hor-dhigay RW Rooble, oo ku saabsan doorashadda socota, oo ay qaadaceen. [Halkan kasii akhri].

Ciidanka dowladda ayaa Isgoyska Dabka ku dilay Wiil dhalinyaro ah iyo Gabar la dhalatay, xili ay saarnaayeen Bajaaj oo ay kusii jeedeen Isbitaal gabar ugu umushay. [Halkan kasii akhri].

December 4 2021: Soomaaliya ayaa diiday qaraar Mareykanka uu ku doonayay in mudo sanado dheeraad ah loogu kordhiyo Ciidanka la dagaalanka burcad-badeeda. [Halkan kasii akhri].

Musharixiinta ayaa shir kale uga furmay Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay ku dhawaaqaan Golle Qaran, oo Madaxweyne la filayo inuu u noqdo Sheekh Shariif. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.