Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Xukuumadda Rooble waxay Todobaadkii tagey soo saartey go'aan ka farxiyay ONLF, sidoo kalena ka nixiyay MW hore Farmaajo oo Qalbi-Dhagax u gacan-geliyay Cadowgiisa, kala soco macluumaad kale warbixinta Todobaad-laha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

24 January 2022: Midowga Musharixiinta, ayaa soo saarey qoraal ay ku taageereen go'aankii kasoo baxay Xukuumadda ee ONLF looga saarey liiska argagaxisadda. [Halkan ka akhri].

25 January 2022: Farmaajo iyo Rooble ayaa u kala safraya Qatar iyo Imaaraadka, oo ah labada dal ee sida weyn faragelinta ugu haya siyaasadda Soomaaliya. [Halkan ka akhri].

26 January 2022: Mas'uul katirsan Xukuumadda Rooble ayaa lagu dilay meel ku dhaw Xarunta Villa Somalia, kadib weerarkii Macalimuu la isku dayay in lagu dilo. [Halkan ka akhri].

27 January 2022: MW hore Farmaajo oo raadinaya meel uu ka carqaladeeyo doorashadda, ayaa Ciidan u diray Beledweyne, oo xaalad kacsanaan horey uga jirtay. [Halkan ka akhri].

28 January 2022: Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen Odowaa Yuusuf Raage, ayaa difaacay tallaabada Ciidamada loogu diray magaaladda Beledweyne, ee G/Hiiraan. [Halkan ka akhri].

29 January 2022: Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi, ayaa daboolka ka qaadey xog sheegaysa in askarta katirsan NISA u xirnaa Suuqa Bakaaraha.[Halkan ka akhri].

Qarax ayaa ka dhacay Muqdisho, oo lala eegtay taliye sare oo katirsan Booliska Soomaaliya, waxaana uu dhacay weerarka xili amniga Caasimadda faraha ka baxayo. [Halkan ka akhi].

30 January 2022: Muqdisho ayaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan, iyadoo Al-Shabaab ay soo gelisay magaaladda baabuur qaraxyo ku xiran oo weeraro ku fulinayso. [Halkan ka akhri].

Maamulada iyo dowladda ayaa u muuqday inay ku fashilmayaan jadwalkii ugu dambeeyay ee doorashadda, iyadoo waqtigii lagu heshiiyay ee 40-ka maalin ka haray 26 maalmood, waxaana illaa hadda la doortay 73 kamid ah 275-ta kursi ee Gollaha Shacabka.

Wajiga ugu adag ee degaan doorashadda 2aad ayaa dhiman, oo caqabado ka jiraan. Waxaa la filayaa in madaxda shir kale yeeshaan marka doorashadda Caasimadaha soo dhamaato.

Axmed Madoobe, Guudlaawe iyo Deni ayaa raba in hal degaan lagu soo koobo doorashadda, maadaama aan Boosaaso, Garbahaarey iyo Beledweyne lagu qaban karin codbixinta.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.