Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey, indhaha waxay kusoo jeedeen Beledweyne, oo la hadal-hayay doorashadda kursiga Fahad Yaasiin, oo kasoo baxay daaha-gadaashiisa uu ku dhuumanayay shan sano, warar dheeraad ah, kala soco Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

14 February 2022: Doorasho Farmaajo lama filaan ku noqotay ayaa ka dhacday Galmudug, taasoo mucaaradka iyo muxaafidba ay kusoo baxayaan kuraasta BFS. [Halkan ka akhri].

Kulane Jiis oo liiska 1aad dadkii dilay Ikraan Tahliil ku jira, ayaa isagoo ka cararaya cadaaladda ku biiray Baarlamaanka 11aad, oo noqdey meel dembiiliyaasha ku dhiintaan. [Halkan ka akhri]

15 February 2022: Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa Ciidanka Qaranka u qaabeeyay, una jiheeyay si ka tartumeysa danahooda shaqsi, oo xukunka kusii haysan karaan. [Halkan ka akhri].

Wasiiradda Qoor-Qoor ayaa billaabey inay shaqada ka tagaan, iyagoo cabasho ka ah habka uu u maamulayo doorashadda kuraasta Galmudug ee Baarlamaanka dalka. [Halkan ka akhri].

16 February 2022: Qaraxyo iyo weeraro culus ayay Al-Shabaab ka fulisay dhowr meelood oo kamida Muqdisho, wuxuuna ahaa weerarkii ugu weynaa mudo 9 sano ah. [Halkan ka akhri].

Fahad Yaasiin, qaswadaha Soomaaliya ayaa saaxadda siyaasadda dalka ka tuurey C/weli Muudey, oo isku reer yihiin, isagoo raba inuu ku fariisto kursiga uu baneeyay. [Halkan ka akhri].

17 February 2022: Mahad Salaad ayaa markale dib loogu doortey kursiga HOP147 uu mudada dheer ku fadhiyay, kadib markii uu taageero ka helay MW Qoor-Qoor. [Halkan ka akhri].

Madaxda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed, oo C/casiis Lafta-Gareen uu ku jiro ayaa usoo guuraya Muqdisho, iyagoo xilalkoodii ku bedelanaya kuraas Baarlamaan. [Halkan ka akhri].

18 February 2022: Beesha Caalamka ayaa qoraal kasoo saartey doorashadda dalka, iyagoo soo raaciyay digniin iyo hanjabaado kale, oo ku socda Madaxda Soomaaliya. [Halkan ka akhri].

Gudiga doorashadda Heer Federaal FEIT ayaa sheegay in laga socon doono kuraasta 16-ka gaaraya ee yaalla Garbahaarey, isagoo eedo culus u jeediyay Farmaajo. [Halkan ka akhri].

19 February 2022: IMF ayaa ku hanjabtay in la joojin doono Barnaamij lagu bixiyo Mushahaarka Ciidanka Soomaaliya, hadii doorashadda lagu soo afjari waayay Feb. [Halkan ka akhri].

Qarax weyn oo ka dhacay Beledweyne, ayaa waxaa lagu dilay dad shacab ah, oo Odayaal iyo Musharixiin ay ku jiraan, kuwaasoo isku diyaarinayay doorashadda. [Halkan ka akhri].

Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid Maxamed ayaa shaaciyay inuu saxiixay heshiis lagu iibiyay 7 xirmo oo Shidaalka, kaasoo uu kala soo shaqeeyay MW hore Farmaajo. [Halkan ka akhri].

Rooble ayaa iska fogeeyay Heshiiskan, oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, oo aan lasoo marsiin Gollaha Wasiiradda, waxaana uu loolan cusub ka dhex furay isaga iyo Farmaajo.

19 February 2022:  Qaswade Fahad Yaasiin ayaa noqdey Xildhibaan, markii uu boobey Kursiga HOP086, oo horey ugu fadhiyay Faarax C/qaadir, oo hadda safar Caafimaad ku maqan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.