Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkan waxaa si aad ah usoo ifbaxay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble, waxaana kala qeybsamay sidoo kale Gudiga Doorashadda, uga bogo Wararkii ku dhaafay Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

15 August 2021: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dhagaha ka fureystay, dalab kaga yimid Xaafiiska Farmaajo oo ku wajahan muddada xil-heynta Madaxweynaha Jubbaland. [Halkan kasii akhri].

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa kadib markii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin balanta uga baxeen u goostay dhanka Mucaaradka, isagoo degay Guriga C/raxmaan Cabdishakuur, isagoo halkaas uga dhawaaqay go'aan cusub. [Halkan kasii akhri].

16 August 2021: Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa u ambabaxay dalka Masar kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi, oo magaaladda Qaahira wadahadallo kila yeeshay. [Halkan kasii akhri].

Kadib kulan Muqdisho ay ku yeesheen, Musharixiinta Mucaaradka ayaa soo saarey war-murtiyeed ay uga hadlayaan arrimaha doorashadda cakiran, iyagoo jeediyay baaqyo lagu saxayo khilaafyada jira. [Halkan kasii akhri].

17 August 2021: Soomaaliya wax cashar ah maka baran kartaa wixii ka dhacay Afghanistan? waa warbixinta Keydmedia Online isbar-bar-dhig ku sameysay Taliban iyo Al-Shabaab. [Halkan kasii akhri].

Fashilka dhanka amniga ee ka jira Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa sababay labo Mas'uul in mudo labo bilood gudahodoa qaraxyo si isku mid ah loogu dilo duleedka Caasimadda. [Halkan kasii akhri].

18 August 2021: Kadib u kuu-gelid ay sameysay Keydmedia Online, waxay kusoo ogaatay cida ka dambeysa khilaafka iyo kala qeybsanaanta Gudiga Doorashooyinka dalka Soomaaliya. [Halkan kasii akhri].

19 August 2021: Kooxda Daacish ayaa la wareegtay degaan muhiim ah oo ku yaalla Puntland, iyadoo dishay gudoomiyaha iyo mas'uuliyiin kale. [Halkan kasii akhri].

Kadib kulan uu Qaahira kula yeeshay dhigiisa Masar, Rooble ayaa sheegay in loo sameeyay balanqaadyo muhiim ah, oo Xukuumadiisa ay ka heshay dowladda El-Sisi. [Halkan kasii akhri].

Qarax Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay meel ku dhaw Xarunta NISA, oo kamid ah meelaha sida aadka loo ilaaliyo amnigooda ee ku yaalla Muqdisho. [Halkan kasii akhri].

20 August 2021: Keydmedia Online ayaa warbixin ka diyaarisay sanad-guuradda 10aad ee dib usoo nooleynya xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo Farmaajo ka dhigtay olole doorasho. [Halkan kasii akhri].

21 August 2021: Waxaa Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya Rooble iyo Madaxda Maamullada, kaasoo looga hadlayo afar qodob oo muhiim u ah doorashadda Aqalka Hoose. [Halkan kasii akhri].

Shirka Afisyooni ayaa Maanta galay maalintii 2aad, waxaana la filayaa in lasoo gaba-gabeeyay, lagana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo lagu fahfaahinayo qodobada ay Madaxda ku heshiiyeen. Isha ku haay Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.