Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Doorashadda Kursiga Fahad Yaasiin ayaa markale sii xoojisay loolanka Farmaajo iyo Rooble oo isku dayay inuu joojiyo, taasoo kala qeybisay Gudiyadda, kala soco warar dheeraad ah warbixinta Dhacdoyinka Todobaadka ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

19 February 2022: Wasiirka Batroolka Eng C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa banaanka soo dhigay in Farmaajo uu ku lug lahaa Heshiiska uu saxiixay ee Shidaalka 7-da xirmo oo ku yaalla xeebaha dalka Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay VOA Somali ayuu Wasiirka caddeeyay in File-ka heshiiska isaga iyo Farmaajo si gaar ah u hayeen, islamarkaana howsha si wadajir ah u wadeen illaa laga saxiixay, waxayna kula heshiiyay shirkadda Coastline Petroleum oo horey u ahaan jirtay SOMA OIL & GAS inay mudo bil gudaheeda ku bixiso 7 milyan oo dollar.

20 February 2022: Fahad Yaasiin oo magaca iska bedelay, ayaa ku guuleystay doorasho uu boobey oo ka dhacday Beledweyne. Wuxuu baxsadey Fahad Daahir Axmed. Xildhibaaninimadiisa waxaa soo wajahay caqabad kadib markii Gudiga doorashadda FEIT uu diiday.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay dilal badan oo Xamar ka dhacay, oo Saraakiil dhowr ah loo geystay, kuwaasoo ay kamid tahay Ikraan Tahliil, oo 2021 lagu dhex shirqooley NISA oo 3 sano u shaqeynaysay, iyadoo loo beegsadey xog ay ka haysay dhalinyaradii loo direy Eritrea 2019-2020.

21 February 2022: Weerar gaystay khasaare kala duwan, ayey maleeshiyo beeleed hubeysan ku qaadeen, madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid, oo ku sugan magaalada Caabudwaaq. Maleeshiyada ayaa sheeganayey milkiyada mid ka mid ah gawaarida, dagaalka ee lagu ilaaliyo madaxweyne ku xigeenka.

Ilaalada madaxweyne ku xigeenka iyo maleeshiyo beeleedka, oo isku heyb ahaa, ayuu ka dhex qarxay, dagaal si weyn looga dareemay gudaha Caabudwaaq, waxaana ku geeriyooday 1-askari iyadoo ay ku dhaawacmeen 2 qof, oo mid ka mid ah uu ahaa shacab.

22 February 2022: Weeraro loo adeegsaday bamb-gacmeedyo, ayaa lagu qaaday saldhigyada booliska qaar ka mid ah degooyinka gobolka Banaadir, taasoo muujinaysa in amniga Caasimadda uu faraha ka baxay, oo madaxdiina ku mashquuleen boobka doorashadda.

Weeraradan bamb-gacmeedyada oo dhacay, maalin cad, ayaa lagu weeraray saldhigyada booliska degmooyinka Wadajir, Howl-wadaag, Hodan iyo Boondheere, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, wallow aan weli tiro sugan la sheegi karin.

23 February 2022: Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, ayaa in muddo ah ku sugan magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu u joogo baadi-goobka malaayiin dollar, oo ay ka dhaceen ganacsato Somali-Kenyan ah, oo si weyn uu u naas-nuujiyay intii uu ahaa shaqsiga labaad ee ugu sarreeya Soomaaliya.

24 February 2022: Markii ugu horeysay sanadka 2022-ka, Taliska Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], ayaa Duqeyn ka geystay Soomaaliya, taas oo lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab-ka ku sugan degaanka Duduble, ee dhaca Shabeellaha Dhexe.

25 February 2022:  Booliska magaalada Columbus ee dalka Mareykanka, ayaa gacanta ku dhigay nin ay sheegeen in uu mas’uul ka ahaa dil bishii December ee sanadkii hore loo geystay  AUN, Imaan Maxamed Xasan, oo ka mid ahaa tiirarka bulshada Soomaaliyeed ee Ohio.

26 February 2022: Mareykanka ayaa xayiraad Fiiso ah kusoo rogey Madaxda Soomaaliya, kadib markii ay ku fashilmeen inay doorashadda kuso gabagabeeyaan 25-ka bishan oo mudo dheeraad ah illaa 15-ka March ku kordhiyeen Jadwalka. 

27 February 2022: Itoobiya ayaa Saraakiil sare usoo dirtay Jubbaland, si Axmed Madoobe ugala hadlaan amniga Xuduuda, oo casbi ka qabto Xukuumadda Abiy Axmed inay noqoto meel Al-Shabaab iyo TPLF ka gudbaan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.