LAAB-LA-KAC MAYA: XASANOW HALA XISAABTAMO
Xasan Sheekh ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Madaxda Maamullada, iyadoo Fahad Yaasiin uu Todobaadka bixiyay wareysi hadal-heyn dhaliyay, kala soco macluumaad badan warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka Keydmedia Online.
5 June 2022: Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa kala hadashay Madaxweyne Xassan Sheekh in safiirka Soomaaliya u fadhin doona Imaaraatka Carabta, laga dhigo RW Rooble. [Halkan ka akhri].
6 June 2022: La-taliyaha amniga qaranka MW Xasan Sheekh ayaa beeniyay warar sheegaya inuu Jabuuti kulan qarsoodi ah kula yeeshay Saraakiisha katirsan Jabhadda TPLF. [Halkan kala soco].
7 June 2022: Musuq-maasuqa awgiis, Soomaaliya waxay noqotay dalka lacagta ugu badan lagu aado Xajka, iyadoo qiimaha sanadka oo labbo-jibbaar ka badan yihahay kii hore. [Halkan ka akhri].
8 June 2022: Fahad Yaasiin ayaa fariin usoo diray Xubnaha isaga daacadda u ah ee ku jira NISA, kuwaasoo sir badan ka haya kadib markii Mahad Salaad xafiiska la wareegay. [Halkan ka akhri].
9 June 2022: Al Shabaab ayaa sanadihii ugu danbeeyey qaabileysay dad usoo raadsanaya garsoor caddaalad ah kadib markii musuq-maasuq uu hareeyay Maxkamadaha dalka. [Halkan ka akhri].
10 June 2022: Xaaladda abaarta ayaa meel halis ah mareysa, oo u baahan jawaab bani'aadminimo oo deg-deg ah, waxaana arintan uu MW Xasan Sheekh u dejiyay qorshe cusub. [Halkan ka akhri]
11 June 2022: Dowladda Itoobiya ayaa lumisay saamigii 19% ee Dekadda Berbera, kadib markii ay buuxin waysay shuruudihii laga rabey, oo ay ku jirto dhismaha jidka Wajaale. [Halkan kala soco]
12 June 2022: Fahad Yaasiin ayaa wareysiha cusub ku xaqiijiyay jiritaanka xog ay KEYDMEDIA baahisay sanadkii hore, taasoo bulshadda u iftiimisay wax badanoo mugi uga jiray. [Halkan ka akhri].
Wararkii ugu dambeeya waxaa kamid ah Shirka Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamullada ee Maalintii 2aad ka socda Villa Somalia, kaasoo saacado kadib lasoo afjarayo, iyadoo laga soo saari doono War-murtiyeed wadajir ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments