Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ayaa la sheegay inay maleegayaan isku-day kale oo ay ku doonayaan afgemi 12-ka April, oo labo Maalin kaharsan, iyadoo dood adag taagan tahay kiiska Madeira, kala soco Macluumaad badan Warixinta Dhacdooyinka Todobaadka ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

3 April 2022:  Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta Bangiga dhexe ee Soomaaliya, kana xayirneyd Soomaaliland. [Halkan kasii akhri].

4 April 2022: QM ayaa warbixin kasoo saartey waxyeelladda haraadiga iyo walxaha qarxa ee Soomaaliya oo dhibaato xoog leh ku haya dadka ku nool gobollada dagaallada saameeyeen. [Halkan kasii akhri].

5 April 2022: NISA ayaa soo saartey qoraal loo fasirtay inay ku xalaaleysanayso dilka RW Rooble, oo khilaaf xoog leh oo siyaasadeed kala dhaxeeya MW hore Farmaajo oo laga fujin la'yahay kursiga oo uu ku fadhiyo in ka badan mudo-xileedkiisa afarta sano. [Halkan kasii akhri].

Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa iska fogeysay qoraalkii NISA ee ahaa in nin Maahir lagu magaceebo oo argagaxiye ah uu abaabulayo shirqool lagu dilayo RW Rooble. [Halkan kasii akhri].

6 April 2022: Si looga baxo cabsida Fahad, RW Rooble ayaa loogu baaqey inuu isbedel ku sameeyo hay'adaha amniga dalka, oo intooda badan hoostaga MW hore Farmaajo, oo dalka afgembi dadban ku qabsadey 2021. [Halkan kasii akhri].

7 April 2022: Keydmedia Online, ayaa is barbar dhig ku sameysay eryidii Wakiilkii UN-ka Nicholas Haysom 2019, iyo midii Ergaygii AU-da Francisco Madeira, 2022. [Halkan kasii akhri].

8 April 2022: Sidee maqnaashaha Xildhibaanada Koonfur Galbeed u saameyn kartaa dhaarinta Baarlamaanka 11aad, oo labo maalin ka hartay, waxaa ka hadlaya Prof Jawaari. [Halkan kasii akhri].

9 April 2022: Midowga Afrika ayaa kahor yimid cayrinta Madeira, isagoo la saftay Farmaajo oo diiday go'aankii Rooble uu wakiilka dalka uga saarey kadib markii uu ku kacay falal ka baxsan shaqadiisa. [Halkan kasii akhri].

Maxay tahay caqabada hortaagan in Soomaaliya yeelato Ciidank tayo leh oo ku filan amniga, waa warbixin Keydmedia Online ku eegayso dhibaatooyinka aafadda ku noqdey CXD. [Halkan kasii akhri].

10 April 2022: Gudiga FEIT ayaa soo bandhigay tirada Xildhibaanada uu shahaadooyinka siiyay tan iyo billowgii bishan, iyadoo waqtiga dhaarinta Baarlamaanka cusub ay soo dhawdahay. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.