Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxaa dhacay weeraro, dilal shirqool ah iyo doorasho ka billaabatey HirShabeelle, waxaan Warbixinta dhacdooyinka todobaadka ee Keydmedia Online ku eegaynaa waxyaabihii ugu doorka roonaa.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

25 October 2020: Maxkamadda Militeriga Soomaaliya, ayaa xukuno kala duwan ku riday 11 qof, oo lagu helay dembi ah inay ka qeyb qaateen weerarkii 10-kii August 2020 lagu qaadey Xabsiga Dhexe ee Xamar.

26 October 2020: Koox hubeysan ayaa Kismaayo ku dishay C/llaahi C/salaam Axmed [Shig-Shigow] oo ahaa madaxii Amal Bank ee xaruntiisa magaaladaas.

27 October 2020: Weerar ayaa lagu qaadey koox howlwadeenno caafimaad xili ay ku guda jireen talaalka polio, oo ay ka sameynayeen duleedka Muqdisho, waxaana lagu dilay gudoomiyaha waaxda shanaad ee degmada Kaxda Ibraahim Calow iyo gabar kale..

28 October 2020: Banaanbaxyo ayaa dhacay qeybo kamid ah Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Muqdisho iyo Gaalkacyo, kuwaasoo looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha Faransiiska ee ugu gefay diinta Islaamka.

29 October 2020: Macluumaad cusub oo ay Keydmedia Online heshay ayaa muujinaysa inuu Fahad Yaasiin hadda askarta katirsan NISA uu intooda badan ka dhigayo Xildhibaanno, uu doonayo inay u codeeyaan Farmaajo 8-da February 2021.

30 October 2020: Keymedia Online ayaa daabacday warbixin ku saabsan in soo Xulista Xildhibaanada cusub ee Maamulka HirShabeelle la musuq maasuqay, iyadoo liiska xubnaha cusub laga soo qoray Villa Somalia.

31 October 2020: Xildhibaanada HirShabeelle ayaa lagu dhaariyay xarunta maamulkaasi ee Jowhar, waxayna kadib doorteen gudoomiye KMG ah, oo noqonaya Xildhibaanka ugu da'da wayn oo lagu magacaabo Maxamuud Siyaad Barkhadle.

1 November 2020: Sheekh Shariif ayaa safar ku tagey Jowhar, oo uu ka socdo loolan u dhaxeeyay Dowladda Farmaajo iyo Mucaaradka kaasoo ku aadan doorashadda HirShabeelle, oo dhinac kasta uu doonayo inuu saameyn ku yeesho doorashadda, si uu u helo Xildhibaanada ka imaanaya Maamulka.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin 6 Xisbi siyaasadeed, waxay mudooyinkii dambe ahayd hal dallad, laakiin waxaan jirin hal musharax oo ay isku raaceen inuu u tartamo doorashadda 2020-21.

Laakiin, Sheekh Shariif oo mar hore ugu dambeysay kursiga ayaa loo malaynayo inuu is-sharaxi doono, iyadoo ay suurtagal tahay inuu Xasan Sheekh-na soo galo tartanka oo markan ka adag doorashooyinkii hore.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.