Hub Uruursi ka socda Muqdisho

Warbixin Keydmedia Online

Siyaasadda Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka galisay fowdo iyo qalalaase, baaritaan ay Keydmedia Online sameysay ayaa muujinaya heerka uu gaaray buuqa siyaasaddeed. 

Hub Uruursi ka socda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa jirta xaalad cabsi ah, oo ku aadan in dalka fowdo iyo qalalaase ka dhacaan, hadii la qaban waayo doorasho waqtigeeda ku dhacdo, oo xor iyo xalaal ah, iyadoo laga digay in marnaasho dhanka awoodda ah.

Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaa si xooggan uga socda hub uruursi aad u badan, kadib casbi laga qabo in dalka uu galo qalalaase siyaasadeed oo la xiriirta doorashooyinka, sida ay ogaatay Keydmedia Online

Baaritaan ay sameysay KON oo socday labo todobaad ayaa lagu ogaaday in uu qiimaha hubka la iibin jiray Suuqyada madow ee magaalada Muqdisho uu kor u kacay, kadib markii ay soo bateen dadka hubka iibsanaya, sida ay inuu sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada hubka oo magacyadooda qariyey, sababo amni.

Qoriga loo yaqaan AK-47 oo qiimihiisu ahaan jiray $700 illaa $800 ayaa hadda wuxuu marayaa lacag dhan $1,400 illaa $1,500.

Sidoo kale, qoriga ay Soomaalida u taqaan Daba-Jeex, ayaa qiimihiisu ahaan jiray $15,000 halka markii hore uu ahaa $10,000, waana adkaatay in la helo maadaama ay bateen dadka raadinaya (demand). 

Bistooladda nooca loo yaqaan Biljamka ayaa mareysaa lacag dhan $2,000 halka markii hore ay ka ahayd $1,000.

Cali Axmed oo aanu ahayn magaciisa saxda ah, kana mid ah ganacsatada hubka ayaa sheegay in dalab badan ay helaan maalmahan, islamarkaana sababtaasi ay keentay in hubka qaali uu noqdo.

"Waxaa aad nalooga iibsaday maalmahan qoryaha, sida AK-47, Bistoolado iyo Daba-jeex, muddo ku dhow 8-sano ma arag sida hubkan loo iibsanayo, waxaadba moodaa in dalka dagaal ka bilaaban rabo," ayuu yiri Cali"

Asigoo sii wata hadalkiisa ayuu yiri: "Run ahaantii annagu si Suuq madow ah baanu ku iibinnaa hubka, mana sahlana in Hal mar aanu banaanka keenno hubka aan haynno, laakiinse bil gudaheed, waxaan qiyaasayaa inaan iibinay Saddex kun oo qori".

Qoryaha kaliya ma ahan waxa qiimahooda sare u kacay, ee rasaasta ayaa iyadana qaali noqotay, oo halkii Xabad oo AK-47 waxa ay mareysaa $2 (Labo Dollar), halka markii hore lagu heli jiray $1 ama ka yar. 

Sida Keydmedia Online hore usoo qortay, khuburada amniga ayaa sheegaya in xaaladda dalka aanu wanaagsaneyn, lagana yaabo is hubeyntaan iney sabab u tahay cabsida laga qabo in dalka Farmaajo uu qalalaase u horseedo.

"Kolley Farmaajo ayaa mas'uul ka noqon doona wixii dalkaan ka dhaca, Kursi ayuu ka doortay amniga shacabka" Waxaa sidaasi u sheegay Keydmedia Online Nuur Ismaaciil oo khabiir amni ah.

Mucaaradka ayaa Farmaajo ku eedeeyay in dalka u wado dariiqii kaligii-taliskii Siyaad Barre, doorashadana uu isaga ku shubto, si uu kursiga ugu sii fadhiyo, xilli magaalada Muqdisho ka soconayaan kulamo arrimahaasi looga soo horjeedo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.