Warbixin

Maatadii Mareykanka laayay oo Magdhaw & Cadaalad helin

Warbixin Keydmedia Online

Militeriga Mareykanka ayaa mudo 13 sano ah Howlgallo duqeymaha ah ka fulinaya gudaha Soomaaliya, kuwaasoo khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarey shacab aan waxba galabsan, waa Warbixinta Tifaftiraha Keydmedia Online ee Muqdisho.

Maatadii Mareykanka laayay oo Magdhaw & Cadaalad helin

Sanadkan 2020 waxuu Mareykanka fuliyay 42 duqeyn, oo ay ku dhinteen 21 qof oo shacab ahaa, oo caruur iyo haween u badan, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 11 kale oo Isbitaallo wali jiifa.

Khasaarooyinka rayidka ayaa wali kasii kordhayo dagaalka qarsoon ee militariga mareykanka uu ka wado soomaaliya, iyadoo aan wax cadaalad ah ama magdhaw ah loohelin dhibanayaasha.

Labadii bishii Febuary, abbaare 8-dii fiidnimo, qoys ka kooban shan ayaa iyagoo u fadhiyey casho magaalada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe ay duqeysay diyaarad drone ah oo Mareykanka leeyahay.

Diyaaradda ayaa gantaal noociisu yahay US GBU-69/B (Sida loo aqriso: US Jii Bii Yuu), islamarkaana culeyskiisu ahaa 18-KG ku dhufatay Guriga, waxaana goobta ku dhimatay Nuurto Kusow Cumar oo 18 jir ahayd, iyadoo ay ku dhaawacmeen labo gabdhood oo la dhashay, oo lagu kala magacaabo Faadumo [12 jir] iyo Cadeey [7 jir] iyo ayeydeeda Khadija Mohamed Gedow, oo jirtay 70 sano.

Aabaha gabdhaha, Kusow Cumar Abuukar, oo ah 50-jir beeraleey ah oo guriga ku sugnaa, ayaa yiri “Waligey uma maleynaynin inay ina soo garaaceyso diyaarad. Waxaan si lama filaan ah u maqlay dhawaq weyn kadibna gantaal ayaa lagu dhuftay gurigeenii, Ciidda iyo qiiqa ayaa indhahayga buuxiyey. ”

24-kii Febuary 2020, duqeyn kale oo diyaaradaha Mareykanka geysteen ayaa ka dhacay beerta Masalanja oo u dhow tuulada Kumbareere, oo 10 kiiloomitir waqooyiga ka xigta Jilib, halkaasna lagu dilay Maxamuud Salaad Maxamuud oo 53-jir ah. Wuxuu ahaa nin mooska ka ganacsada isla markaana ah maamulaha xarunta Jilib ee Hormuud Telecom, wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo sideed caruur ah.

Guud ahaan weerada sanadkii 2019 waxay gaarayaan 63, waxaana lagu dilay 2 qof oo shacab ah oo lagu duqeeyay Feb. 23 duleedka degmada Kunya-Barrow, sida uu qirtay Militeriga Mareykanka. Tirada runta ah ayaa lagu qiyaasayaa 75 Shacab labadii sanno ee lasoo dhaafay.

Bishii xigtay, 18 March 2019, diyaarad drone ah ayaa gantaal ku dhufatay gaari Toyota Surf SUV oo ku safrayay nawaaxiga degaanka Cabdow-Dibille, oo 5-KM u jira Afgooye, waxaana lagu dilay weerarka saddex qof oo beertooda ka yimid kuna sii jeeday Muqdisho.

Sanadkii 2018, waxaa ka dhacay Soomaaliya 47 duqeyn, halka 34 weerar sanadkii ka horeeyay ee 2017.

Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa qoraallada uu kasoo saaro weerarada si fudud uga dhiga dhibbanayaasheeda rayidka inay yihiin 'argaggixiso’, lagu beegsaday duqeymaha diyaaradeed ee Soomaaliya.

Howlgallada qarsoodiga ah ee Militeriga Mareykanka ayaa la kordhiyay sanadkii 2017, kadib markii Trump oo xiligaasi xafiiska ku cusbaa bixiyay amar lagu xoojinayo duqeymaha laga fuliyo goobo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, oo u calaamadeeyay meelo cadowga argagaxisada ku badan yahay.

Amnesty International ayaa tiri: Waa wax aad looga xumaado in Taliska Mareykanka uu u muuqdo inuusan garaneyn cida weeraradiisa cirka ah dhab ahaantii dilayaan islamarkaana dhaawacayaan. Waxaa hubaal ah in tani ay tahay dembiyo dagaal oo Mareykanka ka geysanayo Soomaaliya”.

Mareykanka wuxuu Muqdisho, Balli-Doogle iyo duleedka Kismaayo ku leeyahay saldhigto qarsoodi ah, oo ay ka duulaan diyaaradaha wax duqeeya ee Drones-ka, waxaana dalka ka jooga askar lagu qiyaasay 500 illaa 1,000.

Illaa hadda ma jirto cid dowladda Mareykanka magdhaw siisay ama ka raali-gelisay dadka shacabka ahaa ee ku dhintay duqeymaha, iyadoo dowladda Soomaaliya gabtay doorkeedii difaacida muwaadiniinteeda ajnabiga laynayo.

Dad badan oo shacab ah ayaa naftooda ku waayay duqeymaha socda, waxaana inta badan AFRICOM sheegtaa inaysan khasaaro rayid ka dhalan howlgalladooda, balse taasi beenowday kadib markii ay hadleen ehelada dhibaniyaasha.

Dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa indhaha iyo dhagaha ka qabsatay duqeymaha uu Mareykanku ka fulinaya gudaha Soomaaliya, kuna laynayo shacab aan waxba galabsan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.