“Farmaajo Dhinaciisa la igama maro!”

Waa kuma Mahdi Guuleed, Afhayeenka Farmaajo? 

Warbixin Keydmedia Online

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa wacad ku maray in uu Difaac iyo gaashaanba u noqon doono Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo, Guuleed ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mas'uul musuq-maasuq badan islamarkaana nin jeclaysiga ku caan baxay.

Waa kuma Mahdi Guuleed, Afhayeenka Farmaajo? 

Mahdi Guuleed waxa uu kamid yahay shaqsiyaadka daacadda u ah Madaxweyne Farmaajo, waa aftahan hadal macaan marka uu bulshada la hadlayo, waxaa lagu sheegaa in uu kamid yahay shaqsiyaadka shacbiyadda usoo jiiday kooxda Nabad iyo Nolol la baxday ee uu Farmaajo hoggaamiyo.

Mahdi waxa uu kasoo jeedaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, inkastoo ay gooni u go’een lana baxeen Somaliland, haddana beel ahaan dowladda Soomaaliya waxay ku leeyihiin matalaad, sanad walba koox hor leh ayaa ka timaadda Hargeysa iyo sidoo kale waddamada kale, waxayna ku tartamaan si lamida qabaa’illada kale ciddii matali lahayd beesha ay ka soo jeedaan ee ku dhawaaqday Jamhuuriyad madax bannaan.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Guuleed waxa uu kasoo shaqeeyay waddanka Itoobiya, gaar ahaan dhulka loo yaqaan Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, wuxuu ku hadlaa luqadda koowaad ee waddanka itoobiya looga hadlo (Af-Amharic), xilka Ra’iisulwasaare ku xigeenka ayaa loo magacaabay horraantii 2017 xilligaasoo lasoo dhisay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu kamid ahaa shaqsiyaadkii lasoo shaqeeyay Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, bartamihii sanadkan aynu ku jirno markii xafiiska laga eryay Ra’iisulwasaarihii hore Khayre waxaa si kumeel gaar ah xilka Ra’iisulwasaara nimada kusii shaqeeyay saaxiibka koowaad ee madaxweyne Farmaajo. Mahdi Guuleed!

Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisulwasaare Rooble ayuu mar kale kasoo muuqday Mudane Guuleed, intaa kaddib waxaa soo shaac baxday in uu kamid yahay shaqsiyaadka u xil saaran Ololaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo dib usoo laabashadiisa mar kale xafiiska Villa Soomaaliya, Mahdi oo beel ahaan kursiga ku matala gobollada Waqooyi marna kama hadlo maslaxo iyo dan beesha uu kasoo jeedo, taa baddalkeedana wuxuu door biday in uu Gaashaan u noqdo madaxweyne Farmaajo, si uu usii xajisto matalaadda gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Dhawaan ayuu qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uuna ku durayay shaqsiyaad ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo weliba murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya 2021, iyadoo laga dhadhansan karo caro ayuu soo qoray warbixin uu kusoo gaba gabeeyay “Wallee ina ragow talo adduun, taada uun maaha” isagoo si jees-jees ka muuqdo usheeganaya in talada maanta ay xaggooda tahay, waxa uuna ku durayay musharaxiinta sida wada-jirka ah u soo saaray qoraal ay kaga cabanayeen gabood falka Farmaajo iyo Fahad ku hayaan guddiga doorashooyinka oo ay u maamuleen sidii ay doonayeen!

Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isna qoraal uu ugu jawaabayo soo dhigay bartiisa Facebook, Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal kooban ku yiri “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ciirtaada dhame ayaa Caydaada yaqaan”, sidoo kale ayuu u raaciyay “Guuleedow xamar waxay can ku tahay KORISO, KIBRISO IYO KUFISO”.

Hadal celinta xildhibaanka ayaa baraha bulshada qabsatay afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyay, waxaana Ra’iisulwasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Guuleed ay ku noqotay mid dhabar-jab ku ah shakhsiyaddiisa, waxaana la is dhaafsanayay oraahda uu xildhibaanku ku duray Mahdi Guuleed.

Ra’iisulwasaare ku xigeenkii hore ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa dhawaan iska casilay xilkii Xildhibaannimo, kaddib markii uu u hawooday in uu ka dago magaalada Hargeysa halkaasoo uu ku xanuunsanayay Aabihii Cumar Carte Qaalib oo isna ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda dowladdii kacaanka ee 21-ka sano dalka maamuleysay.

Sidaas si lamida ayaa la saadaalinayaa isna in uu iska casilo xil kasta ee uu u hayo dowladda Soomaaliya Mahdi Guuleed haddii uu damco in uu Hargeysa ku laabto waa in uu ka dagaa Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa isagoo Shacab ah!

Gaashaan u noqoshada Farmaajo waa mid uu ku sumcad beeli doono, mana ahan wax darajo laga doono in aad gaashaan iyo difaac u noqoto madaxweyne waqtigiisii dhammaaday, soo laabashadiisana aan wax rajo ah laga qabin, waxaana taa baddalkeeda u roon Mahdi Guuleed in uu iskii u madax bannaanaado, dadka uu matalo ee gobollada waqooyi kasoo jeedana uusan ka dhigin ku tiirsanayaal u kaambeyn gareeya dad kale.

Guuleed ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mas'uul musuq-maasuq badan islamarkaana nin jeclaysiga ku caan baxay, isagoo labadii bilood ee uu ahaa sii hayaha xilka Ra'iisul Wasaaraha lunsadey lacag badan, sidoo kalena xafiiskiisa keenay dhalinyaro beeshiisa ah.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo u tartamay madaxtinimada Soomaaliya sanadkii 2012 ayaa markii uu ku guul darreystay in uu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu ku laabtay Hargeysa isagoo go’aansaday in uu ka qeyb qaato dadaallada la doonayo in aqoonsi loogu raadiyo Somaliland, waxa uuna iska diiday in uu ka sacbiyo Xamar oo uu aaminsanaa in dadkiisu ku yaryihiin!

Mahdiyow waa markaagii ee ka Faa'iideyso!

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.