Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey, waxaa ka billowday dalka guluf dagaal iyo diyaar-garow doorasho oo is-jiid-jiid wadata, iyadoo RW Rooble uu qaadey tallaabo aad loo soo dhaweeyay, uga bogo macluumaad kala duwan, Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

18 July 2021: Dowladda Soomaaliya ayaa diiday, islamarkaana gaashaanka u daruurtay Warbixin bishii May kasoo baxday Gudiga Madaxa-banaan ee qiimeynta Midowga Afrika, taasoo eedeymo culus u jeedisay Farmaajo. [Halkan kasii akhri].

19 July 2021: Galmudug ayaa guulo ka sheegatay dagaalka ay kula jirto Kooxda Al-Shabaab, ee ka socda mudo Todobaadyo ah qeybo kamid ah gobolka Mudug, kaasoo Mareykanka qeyb ka yahay. [Halkan kasii akhri].

20 July 2021: Amiirka Kooxda Al-Shabaab Abu Cubeyda ayaa soo saarey fariin maqal ah, oo ugu hanjabay ergada dooran doonta Xildhibaanada Gollaha Shacabka, isagoo wacad ku maray inay dili doonaan Odayaasha inay ay ka qeyb qaataan doorashadda. [Halkan kala soco].

21 July 2021: Keydmedia Online ayaa si gaar ah u heshay xog iyo sawirro ku saabsan diyaarad helicopter ah oo sidday Saraakiisha Sirdoonka Itoobiya katirsan, oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha magaalada Xudur, ee Caasimadda gobolka Bakool. [Halkan ka arag].

Waxaa soo ifbaxay in khilaaf u dhaxeeya Taliyeyaasha Ciidanka dowladda iyo AMISOM inuu sababay fashilka howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, ee ka billowday bishii May gobolka Shabeellaha Dhexe. [Halkan kasii akhri]

22 July 2021: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa u tagey degmada Cadalla, ee Sh/Dhexe xalinta khilaaf Beesha Abgaal ka dhex jira oo ku aadan labo Kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka, oo ay jufooyin isku haystaan cida ku fariisanaysa. [Halkan kasii akhri].

23 July 2021: Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa xilkii ka qaadey taliye ku-xigeenka NISA C/llaahi Kulane iyo madaxa Sirdoonka Garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib markii ay jebiyeen amar uu soo saaray. [Halkan kasii akhri].

Militeriga Mareykanka ayaa duqeyntii 2aad mudo afar maalin gudahooda ka fuliyay gobolka Mudug, taasoo Al-Shabaab lagula eegtay inta u dhaxaysa Qaycad iyo Bacaadweyne oo uu ka socdo howlgal Ciidan. [Halkan kala soco warkan].

24 July 2021: Axmed Maclin Fiqi ayaa u jawaabey Ilhaan Cumar, oo katirsan Congress-ka Mareykanka kadib markii ay u hadashay sidii afhayeenka Kooxda Al-Shabaab. [Halkan ka akhri].

25 July 2021: Waxaa fashilmay jadwalkii loo dejiyay inay ku billaabato doorashadda Aqalka Sare, kadib markii madaxda maamullada ay soo gudbin waayeen July 24 liiska Musharixiinta.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.