Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey, Soomaaliya waxay billowday doorashadii mudada dheer la sugayay, taasoo soo afjartay mudo-xileedka Baarlamaanka 10-aad, xog iyo macluumaad badan, kala soco Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

1 August 2021: Dagaal ay barbar socotay duqeyn cirka ah ayaa ka dhacay gobolka Mudug, oo tan iyo bishii lasoo dhaafay uu ka socdo howlgal ballaaran oo Kooxda Al-Shabaab looga saarayo degaaanka ay gacanta ku hayso. [Halkan kasii akhri].

2 August 2021: Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa doortay shan Senator, oo labo kamid ah yihiin Haween, kuwaasoo la sheegay inuu soo xulay Lafta-Gareen oo u janjeera dhanka Farmaajo, kana shaqeynaya dib u doorashadiisa. [Halkan kasii akhri].

3 August 2021: Ninkii ka dambeeyay afduubka labo Sarkaal oo Sirdoonka Faransiiska katirsan, oo Saxafi hotel ka dhacay 2009 ayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku qabtay gobolka Mudug, kadib markii Kooxda uu katirsanaa ee Al-Shabaab laga saarey degaanno muhiim ah. [Halkan kasii akhri].

4 August 2021: Wasiir katirsan Xukuumadda RW Rooble oo ku lug leh xaalufinta Kheyraadka Badda, oo si suuq madow ugu iibiya Kalluunka ayaa sheegay inuu naftiisa u baqayo kadib markii musuq-maasuqa uu wadey la ogaadey. [Halkan kasii akhri].

5 August 2021: Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in kiisaska Covid-19 ay sii kordhayaan, kadib markii dalka uu soo gaarey Virus cusub oo ka khatar badan midkii hore. [Halkan ka akhri].

Kooxda Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay Oday da' ah gudaha degmada Ceelbuur, ee gobolka Galgaduud kadib markii ay ku eedeysay inuu u gefay Nebi Maxamed NNKH. [Halkan kasii akhri].

6 August 2021: Hadal-heyn iyo xoog dadweyne ayaa ka dhashay lacag badan, oo Turkiga uu sheegay inuu siinayo Maamulka Farmaajo, ee waqtigiisu dhamaadey taasoo uu kusoo beegay xili doorasho lagu jiro. [Halkan ka akhri].

7 August 2021: Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagaxisadda ku dartay Afhayeenka Al-Shabaab iyo xubin kale oo kamid ah Kooxda, oo mas'uul ka ah weerarada gudaha Soomaaliya iyo Kenya. [Halkan kasii akhri].

8 August 2021: Khilaafka Rooble iyo Cabdi Xaashi ayaa cirka isku shareeray, waxaana gebi ahaanba fashilmay waan-waantii socotay ee lagu xalin lahaa muranka gudiga doorashadda Somaliland. [Halkan kasii akhri].

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya Jen Biixi, oo Farmaajo qaraabo yihiin ayaa ka badbaadey isku day dil kadib markii qarax miino lagula eegtay duleedka Qaycad, oo maalmo kahor laga saarey Al-Shabaab. Sarkaal sare iyo askar ayaa ku geeriyootey qaraxa.

9 August 2021: Wafdi heer sare ah oo ay hogaaminayso Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho, kaasoo casuumaad u keenaya Rooble oo Talaadada booqanaya Nairobi.

Rooble ayaa soo saarey war-saxaafadeed uu waxba kama jiraan uga dhigay digreetadii Farmaajo, uu uga joojiyay Wasiiradda inay saxiixaan heshiisyo inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.