Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadka waxaa cirka isku shareeray dagaa siyaasadeedka Farmaajo iyo RW Rooble, iyadoo labada dhinac xiriirkooda uu gaarey heer aan soo noqon laheyn, kala soco Macluumaad badan dhaafay Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

12 September 2021: RW Rooble ayaa Wasiir Beyle ku amray inuusan bixin karin lacag uusan isagu amrin, taasoo cunaqabateyn dhaqaale saartay Kooxda Farmaajo. [Halkan kasii akhri].

13 September 2021: Si uu u difaaco Fahad, Farmaajo ayaa magacaabey Gudi baaritaan Kiiska Ikraan Tahliil si uu u carqaladeeyo dedaallada cadaalad-raadinta Rooble. [Halkan kasii akhri].

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa diiday Gudiga uu magacaabey Farmaajo, waxayna sheegeen inay dacwad kusoo oogi doonaan Madaxweynaha mudo-xileedkiisa dhamaadey, hadii uusan joojin faragelinta uu ku hayo baaritaanka kiiska Gabadhooda. [Halkan kasii akhri].

14 Sepember 2021: Meydka dad shacab ah oo AMISOM ku dishay gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli la aasin, iyadoo qoysaskooda ay cadaalad u raadinayaan. [Halkan kasii akhri].

15 September 2021: Waxay heshay Keydmedia Online xog ah inuu Farmaajo rabo xilka qaadis inuu ku sameeyo Sarkaalka baaraya kiiska dilka ee Ikraan Tahliil. [Halkan kasii akhri].

Taliyaha NISA Jen Bashiir Goobe ayaa taliye cusub u magacaabey Sirdoonka Muqdisho, xili uusan weli la wareegin xilka kadib markii xarunta Habar-Khadiija la wareegtay Kooxda Fahad. [Halkan kasii akhri].

Guusha Muuse Suudi ee doorashadda Kursiga Aqalka Sare ayaa aad looga dabaal-degay Muqdisho, iyadoo habeenkii la doortey magaaladda rasaas badan laga maqlay. [Halkan kasii akhri].

16 September 2021: Farmaajo ayaa sheegay inuu awoodda fulinta iyo shaqada ka joojiyay Rooble kadib markii khilaafka labada mas'uul uu gaarey meeshii ugu xumayd. [Halkan kasii akhri].

17 September 2021: Fahad Yaasiin ayaa lagu xayiray Jabuuti xili uu kusoo keeday Muqdisho, waxaana dib logu celiyay dalka Turkiga oo markii hore kasoo duulay. [Halkan kasii akhri].

18 September 2021: Waxaa baaqdey Kulankii uu Farmaajo ku baaqey in la isagu yimaado Muqdisho, si Fahad Yaasiin looga dhageysto warbixinta Kiiska Ikraan Tahliil. [Halkan kasii akhri].

Villa Somalia ayaa looga adkaadey doorashadda ka socota Jowhar, kadib markii laga guuleystay Musharixiintii uu watay Farmaajo, waxaana kusoo baxay xubnaha mucaaraadka. [Halkan kasii akhri].

Keydmedia Online ayaa heshay xog ku saabsan qaabka uu Fahad Yaasiin doonayo inuu kusoo galo Muqdisho, kadib markii uu bedelay qorshihii hore ee fashilmay. [Halkan kasii akhri].

19 September 2021: QM ayaa walaac ka muujisay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, oo keeni kari inay baaqato doorashadda dalka, islamarkaana faraha ka baxo amniga. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.