Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Kuraas boob iyo doorasho afduuban ayaa Todobaadkan ka billaabatey qaar kamid ah Maamul Goboleedyada, iyadoo qalyo-dhaanta Musharixiinta sii xoogeysatay, kala soco Macluumaadkii ku dhaafey, Warbixinta Todobaadka Soomaaliya, ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

22 November 2021: Hanti-dhowraha Qaranka ayaa daboolka ka qaadey Warbixin kashiftay Musuq-maasuqa hay'adaha dowladda Farmaajo sanadkii tagey, kaasoo hanti badan oo umada lahayd lagu dhacay. [Halkan kasii akhri].

RW Rooble ayaa god-mugdi ah ku riday Cadaaladda Ikraan Tahliil, iyadoo lasoo xiray Kiiska dilka Gabadhan sida xaqdarada ah u dileen, una qariyeen meydkeeda Madaxda NISA, iyadoo u shaqeynaysay qaranka. [Halkan kasii akhri].

23 November 2021: Qaylo-dhaan ayaa kasoo yeertay Musharixiinta Mucaaradka, oo ku aadan doorashadda Aqalka Hoose kadib markii ay ogaadeen in kuraasta la boobayo, islamarkaana aan talo faraha ugu jirin. [Halkan kasii akhri].

Wax badan ka ogow halka ay ku baxdey lacagta boqolaalka Milyan dollar, ee ay lunsatey dowladda Farmaajo uu hogaamiyo, oo qiyaanno iyo wax isdaba-marin ku kacdey, waxaana ka aamin baxay deeq-bixiyaasha caalamka. [Halkan kasii akhri].

24 November 2021: Kalluumeysato Soomaaliyeed oo la waysanaa mudo lix bilood ah, lagana baadi goobayay badda ay ku lumeen, ayaa laga helay iyagoo nool dal kamid ah wadamada Asia iyagoo go'doonsan. [Halkan kasii akhri].

Doorasho cajiib ah, oo dadka ka yaabisay ayaa ka dhacday Muqdisho Todobaadkii tagey oo lagu dooranayay kuraasta Somaliland, iyadoo ergo Eritrean iyo Itoobiyaan ah ay wax dooranayeen, waxayna qariyeen wajiga. [Halkan kasii akhri].

25 November 2021: Qarax Gaari ayaa ka dhacay afaafka Iskuulka ku yaalla Wadada C/qaasim, oo isku xirta KM4 iyo Tarabuunka, kaasoo lala eegtay Kolonyo UN ah. [Halkan kasii akhri].

Agaasimaha KMG ee NISA, Yaasiin Fareey ayaa loo doortey Kursi katirsan Gollaha Shacabka, kaasoo laga reebay Mushariixintii kale, isaga oo kaliya ayuu Farmaajo u xiray ninkan ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil iyo kuwa kale. [Halkan kasii akhri].

26 November 2021: Dood baa ka taagan oo ku saabsan Farmaajo Mushahaarka uu qaato ma xalaal baa mise Xaaraan, maadaama uu si sharci darro ah ku fadhiyo kursiga, oo uusan haysan sharciyad dastuuri ah oo dalka masiirkiisa ku go'aamiyo? [Halkan kasii akhri].

Shaku badan ayaa ka jira kiiska dilka C/casiis Afrika, oo dhawaan Qarax lagu dilay, iyadoo la tuhmayo dilkiisa in laga soo abaabulay xafiiska Madaxweynaha oo Suxufiga dagaal kala dhaxeeyay, maadaama uu maamulayay Radio Muqdisho, oo laga sii deyn waayay wararka Farmaajo. [Halkan kasii akhri].

27 November 2021: CC Shakuur ayaa sheegay in Rooble wax walba ay gacantiisa ka baxeen, oo uusan maamuli karin doorashadda, sidoo kalena joojin karin boobka uu xafiiska Farmaajo ku hayo kuraasta Aqalka Hoose. [Halkan kasii akhri].

Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sii baahaysa, inkastoo roobka Deyrta curtey haddana dhibaatada cunto la'aanta iyo nafaqo-darrada Carruurta wali khatar ayay gelinaysaa nolosha kumanaan Soomaali ah. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.