Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

Todobaadkan waxaa jiray dhacdooyin siyaasadeed iyo kuwa amni intaba, balse waxaa aad isha loogu hayay shirka arrimaha doorashadda, kala soco Macluumaad dheeraad ah Warbixinta Todobaad-laha, ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

16 May 2021 - Alle ha u naxariiste taliye Ku Xigeenkii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Col Axmad Waawayne ayaa u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qarixii is miidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhiga Waabari, Sagaalkii bishaan.

17 May 2021: Sii-hayaha, xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka jawaabay eedeyn loo jeediyay, wuxuuna mar kale ku celiyay in uusan jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid shirkii uu iclaamiyay 20-ka May.

18 May 2021: Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mida xubnaha wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka.

19 May 2021: Qoor-Qoor ayaa noqoday Madaxweynihii ugu horreeyay Dowlada Goboleedyada oo Muqdisho soo gaaray Muqdisho kahor inta uusan furmin shirka wadatashiga qaran ee doorashadda. 

20 May 2021:  Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ayaa iska xasilay xil dhawaan Midowga Afrika u magacaabey oo ahaa ergayga gaarka ee u qaabilsan dhex-dhexaadinta Khilaafka doorashooyinka Soomaaliya.

21 May 2021: Qarax ka dhacay degaanka Garasbaalay kadib salaaddi Jimco ayaa sababay qasaaro xoogan, waxaana ku geeriyooday Guddoomihihii degaanka ee Maamulka Gobolka Banaadir AUN Cabdiraxmaan Axmed Cali oo loo garan ogaa Garyare.

22 May 2021: Rooble ayaa Afisyooni ka daah-furay Shirkii doorashadda, waxaan ka qeybgalaan Kooxda oo ay ka qeybgalayaan dhamaan madaxada maamullada iyo duqa Muqdisho.

Waxaa lasoo gabagabeeyay wajiga koowaad, waxaana la filayaa Maanta oo Axad ah in la isagu soo laabto kulanka oo dhacaya xili Farmaajo ka maqaan yahay madasha, kadib markii uu mas'uuliyadda doorashadda iyo amniga lagu wareejiyay Rooble.

Dagaal u dhaxeeya Ciidan kala taabacsan gudoomiyaha Wanlaweyn iyo ku-xigeenkiis arrimaha bulshadda ayaa ka dhacay xaafadda Muuri maalintii shalay, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.