Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Maalin walba, Soomaaliya waxay sii galaysaa Marxalad cusub oo siyaasadeed ama mid amni, waxaana maalmo-tiris ku jira Farmaajo oo mudo-xileedkiisa kasii dhamaanayo, ka akhriso waxyaabihii ugu waaweynaa Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka, ee Keydmedia Online

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

10-kii January 2021: Midowga Musharixiinta ayaa Shir ay isagu yamaadeen kasoo saarey qoraal ay ku shaaciyeen inay kasoo horjeedaan go’aankii DF, ee ah inay qabanayso doorasho aan u dhameyn saamileyda siyaasadda dalka, iyadoo aan laga heshiin khilaafka gudiga, arinta Gedo iyo Somaliland.

11-kii January 2021: Farmaajo ayaa la saarey Cadaadis culus oo Caalami ah si uu wadahadal ula furo Mucaaradka kadib markii uu RW ROGANE ku dhawaaqay doorasho hal dhinac ah, oo Jubbaland, Puntland iyo Musharixiinta Mucaaradka ka maqan yihiin.

12-kii January 2021: Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Galgaduud iyo Mudug ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu colaad u dhaxaysa Beelaha u ka hurinayo Galmudug, kadib markii uu u diray rag hubeysan oo Cali Yare kamid yahay, kuwaasoo doonaya inay si qasab ah ku noqdaan Xildhibaano heer Federaal ah.

13-kii January 2021: Waxaa cirka isku sii shareeray Khilaafka siyaasadeed kadib markii RW ROGANE uu u xil saaray Wasiiru Dowlaha xafiiskiisa Cabdixakiin Xasan Ashkir inuu maamulo howlaha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ay hey’adaha Caalamiga iyo dowladaha deeqbixiyaasha ku taageerayaan doorashadda dalka.

14-kii January 2021: Keydmedia Online ayaa daabacday warbixin gaar ah oo ku saabsan in diyaarad ay leedahay Qatar Airways oo ka timid Doha ay xili Habeen Saq-dhexe kusoo degtay Garoonka Muqdisho, taasoo wadey lacag aad u badan iyo agab kale, oo lagu wareejiyay Fahad Yaasiin, oo ka shaqeynaya sidii uu mar labaad kusoo celin lahaa Farmaajo doorashadda February 8.

Dhacdo 2aad: Guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka ayaa 29-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2020 waxuu shaaciyey in tartanka kuraasta Aqalka Sare in la qabanayo inta u dhaxeysa 7-14 January, muddadaasi oo dhamaatay iyadoo aysan waxba u qabsoomin.

15-kii January 2021: Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Xasan Cali ‘Shuute’ ayaa ku amray Hay’adaha amaanka Galmudug in ay so qabtaan askarii dadki shacabka ahaa ku laysay deegaanka Xirsi lugey oo u dhaxeeya magaalooyinka Guriceel iyo Balanbal oo ku yalla Gobolka Galgaduud.

16-kii January 2021: Trump ayaa Mareykanka kasoo musaafuriyay 70 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo qeyb ka ah kumanaan dib loo soo celinayo kadib markii laga diiday codsiga Magan-gelyo doonka, maadaama ay qaab sharci darro ah ku galeen dalkaasi.

Dhacdo 2aad: Maj. Gen Gerbi Regassa Kebede oo kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la wareegay xilka taliye ku xigeenka AMISOM xili Ciidanka Midowga Afrika ay wajahayaan fashil dhanka la dagaalanka Al-Shabaab.

Dhacdo 3aad: Qarax miino ayaa ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta oo ku dhaw Madaxtooyadda, waxaana lala eegtay Wasiirka Beeraha DF Saciid Xuseen Ciid, oo ka badbaadey weerarka la doonayay in lagu dilo.

Dhacdo 4aad: Afar Askari oo katirsanaa DANAB ayaa lagu dilay Qarax lagula eegtay xili ay kasoo baxeen Balli-doogle gudaha Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay mareen Tixsiile oo ku dhaw degmada Wanlaweyn.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.