Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxuu ahaa mid ay ka dhaceen dalka dhacdooyin kala duwan. Waxaan warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online adinku soo gudbinaysaa waxyaabihii ugu waawaynaa ee dhacay.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

9 November 2020: Dowladda Kenya oo xiriirka kala dhaxeeya xiliga Farmaajo aad u hooseeyo ayaa shaacisay inay dadka Soomaalida ah u fududeyn doonto Fiisaha, oo lagu siin doono markii ay dalkeeda caga-dhigtaan [Visa on arrival].

10 November 2020: Shabakad ka kooban 7 qof oo qaraxyada iyo dilalka ka fulin jirtay degaanada maamulka Puntland ayaa lagu qabtey waqooyiga Gaalkacyo, kuwaasoo katirsan Kooxda Al-Shabaab.

11 November 2020: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo 25-kii July 2020 xilka laga qaadey ayaa sheegay inaysan sax ahayn in askar iyo shaqaalaha rayidka kamid noqdaan Gudiyadda doorashada, isagoo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara, hadii uusan hadda Farmaajo sixin qaladaadka.

12 November 2020: Kooxda Xasaradaha Adduunka [International Crisis Group], ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dib uga dhacday waqtigii doorashadda, iyadoo sheegtay in Farmaajo uu qorsheynayo inuu qabto doorasho uu rabo inuu codadka ku shuban.

13 November 2020: Saq dhexe habeenkii ayuu soo saaray Farmaajo waraaqda saxiixa heshiiska doorashooyinka dadban ee ay markii horeba isaga iyo madax goboleedyadu ku galeen Villa Soomaaliya.

14 November 2020: Farmaajo ayaa xilka ka qaadey ku-xigeenadii Cumar Filish, gudoomiyaha gobolka Banaadir, si uu Cali Yare oo ahaa madaxii borobogaandada baraha bulshadda ugu magacaabey xilka gudoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

15 November 2020: Keydmedia Online ayaa soo qortay warbixin gaar ah oo ku saabsan awood aruursiga Faraamjo iyo sida uu taliyeyaasha beeshiisa ugu magacaabey xilalka saree e Ciidanka.

Farmaajo ayaa taliska Ciidanka Gorgor ee Turkiga uu tababarey hoos geeyay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, kaasoo uu horey ugu magacaabey taliyaha Ciidanka dhulka.

Dhacdo kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa warqad u qoray Wakiilada Beesha Caalamka, isagoo ashtako ka ah Farmaajo, Rooble iyo Fahad Yaasiin, oo uu ku eedeeyay inay afduubeen doorashadii Soomaaliya 2020-21.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.