Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxay Soomaaliya gashay marxalad jawhareer siyaasadeed, maadaama doorashadda waqtigeeda uu soo dhawaaday, iyadoo Musharaxiinta ay soo wada gaareen Muqdisho, Keydmedia Online waxay adin soo gudbinaysaa Warbixin ku saabsan dhacdooyinkii ugu saameynta badnaa.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

16 November 2020: Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xilka gudoomiyaha Shabeellaha Hoose ka qaadey Ibraahim Najax, oo mudo ka yar labo sano xafiiska joogey, isagoo ku bedelay C/qaadir Siidii, oo ay isku beel yihiin.

17 November 2020: Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyootay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax is-miidaamin ahaa oo xilli duhur ah ka dhacay maqaayad ku taalla kasoo horjeedka xerada booliska lagu tababaro ee Jeneraal Kaahiye, oo kamid ah meelaha amaankooda sida aadka loo ilaaliyo magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

18 November 2020: AUN Cumar Carte Qaalib, oo soo noqday Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya 1991-1993 ayaa ku geeriyoodey Hargeysa, ee xarunta Maamulka Somaliland, oo mudo dheer u uku xanuunsanaa.

Intii u dhaxaysay 1969 iyo 1977, Cumar Carte ayaa soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda nidaamkii kaligii-taliska uu hogaaminayay Siyaad Barre, isagoo ku daray Soomaaliya Jaamacadda Ururka Carabta.

19 November 2020: Musharax Cabdikariim Xuseen Guuleed oo soo gaarey, ayaa sheegay in Soomaaliya aan lagu aamini karin Farmaajo 4 sano oo kale, isagoo shacabka ugu baaqey inay diidaan shirqooladiisa.

Dhacdo kale, Wasiirkii arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo loo magacaabay xilkaasi wasiir cusub

20 November 2020: Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo kamid ah Musharixiinta u taagan qabashadda xilka Madaxweynaha, ayaa ka digay Dagaal Sokeeye oo dalka uu galo, haddii ay dhacdo in Farmaajo uu sameeyo wax is daba-marin waqtiga doorashada.

21 November 2020: Kadib markii ay soo gaareen Muqdisho Khamiistii illaa Jimcaha inta badan Musharaxiinta, waxaa Muqdisho ka billowday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashadda.

Xasan Cali Khayre oo Jimcihii dalka dib ugu soo laabtay, ayaa isla habeenkii goygooda ku booqday Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Cabdishakuur, oo raali-gelin ka siiyay weerarkii NISA ku qaadey xarunta xisbiga Wadajir 17-kii December 2017.

22 November 2020: 14 Musharax ayaa shir 3 maalmood soconaya uga furmaya Muqdisho, iyagoo kawada hadlay go’aanka ay ka qaadan doonaan doorashooyinka, hadii uu Farmaajo ka diido inuu bedello xubnaha NISA, shaqaalaha dowladda iyo taageeriyaashiisa uu kusoo daray Gudiyadda doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa safarkiisii ugu horeeyay gudaha dalka Soomaaliya ku tagey Baydhabo, isagoo xariga ka jaray wadooyin la dhisay, oo isaga injineer ka ahaa kahor inta uusan xilka qaban.

Musharaxiinta ayaa ugu baaqey Madaxa Maamullada inay bedelaan xubnaha NISA katirsan iyo shaqaalaha dowladda ee ay kusoo dareen wakiiladda ugu matelaya gudiyadda doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.