Dagaal Beelleed oo Shaar loo galiyay

Dagaalka Axmed Madoobe & Farmaajo ee Gedo

Warbixin Keydmedia Online

Xiisadda ka jirta Gobolka Gedo iyo Dagaalkii ka dhacay Balad-Xaawo waa dagaal beelleed oo shaar loo galiyay, waa dagaal uu Madaxweyne Farmaajo rabo in uu kaga aar-guto beesha Axmed Madoobe oo sida uu aaminsan yahay ka fara maroojisay maamulka magaalada Kismaayo. Gedo waxaa ka socdo dagaal Sokeeye oo Mareexaan iyo Ogaadeen u dhaxeeya. 

Dagaalka Axmed Madoobe & Farmaajo ee Gedo

Colaadda sokeeye ee gobolka ayaa sii xoogeysanaysa, ma jiraan dedaallo muuqda oo dagaalka lagu joojinayo, xalna looga gaarayo khilaafka keenay gacan ka hadalka ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Tan iyo dowladdii C/llaahi Yuusuf, gobolka Gedo wuxuu ahaa meel uu ka jiro loollan u dhaxeeya beelaha Ogaadeen iyo Mareexaan, oo xukunka ku dagaalamayay.

Dadka deganka gobolka oo u badan Mareexaan ayaa diiday inay kamid noqdaan maamulka Axmed Madoobe, iyagoo sababta ku sheegeen inuu wado dhul-ballaarsi uu u sameynayo beeshiisa Ogaadeen ee uu Axmed madoobe ku abtirsado.

Tan iyo goortii uu qabsaday Axmed Madoobe magaalada Kismaayo dhamaadkii 2012, hal sano kadibna uu isku magacaabey Madaxweynaha Jubbaland, reer Gedo waxay adkeeyeen difaaca Gedo, si uusan gacantooda uga bixin.

Gobolka Gedo wixii markaas ka dambeeyay waxaa ka billowday dagaal sokeeye oo u dhaxeeya beesha Mareexaan oo heleysa taageerada madaxweyne Farmaajo iyo Ogaadeen oo Axmed Madoobe kasoo hubeynayo Kismaayo isagoo weliba kaalmo weydiisanaya Kenyan ka uu kula saaxiibay dhuxusha iyo dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed.

Sanadahii u dambeeyay waxaa sii xoogeystay dagaalka halgan awoodeedka kadib markii 2020 uu Farmaajo diyaarado ku geeyay gobolka Gedo Ciidamo uu kasoo diray Muqdisho, kuwaasoo la wareegay Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo Axmed Madoobe uu maamuli jiray.

Juquraafi ahaan, gobolka Gedo wuxuu ku yaallaa xaduuda Soomaaliya iyo Kenya, waana degaan doorashadda Farmaajo oo Xildhibaanadda ka imaanaya isaga iyo Axmed Madoobe ay isku hayaan.

Hoggaamiyaha Jubbaland, waa wadaadka kasoo garab dagaallamay kooxda Al-Shabaab ee Ciidankiisii markii laga saarey Gedo, waxay saldhigyo ka sameysteen gudaha Kenya, gaar ahaan Mandheera oo mudo billooyin ah isku aruursanayeen, halkaasoo ay weerar kasoo qaadeen habeenkii Axadda, iyagoo si kedis ah u qabsadey magaaladda Beled-Xaawo ee xarunta gobolka Gedo.

Dagaalka Beled-Xaawo

Dagaal aan waxba la isku reeban ayaa Beled-Xaawo ku dhexmaray labada dhinac, iyadoo khasaaraha ugu badan ay soo gaareen dadka shacabka ah, waxaana ku dhintay 11 qof, oo 8 kamid ah caruur ahaayeen kadib markii hoobiyeyaal lagu garaacay guryahooda kuwaasoo habeennimo lagu gumaaday iyagoo hurda.

Mudo saacado ah ayay ciidanka Axmed Madoobe ku sugnaayeen Beled-Xaawo, waxaana dib ugala wareegay Askarta Gorgor ee Turkiga ku tababaray Muqdisho, kuwaasoo gurmad ahaan Muqdisho looga soo diray.

Colaadda waxay sababtay dhimasho, dhaawac, bur bur iyo barakac xoog leh, waxaana wali taagan xiisad u dhaxaysa labada ciidan, oo gudaha iyo dibadda magaaladda kala joogo, iyadoo ay suurta-gal tahay in xili kasta uu dagaalku billaaban karo.

Labada dhinac ee ku loolamaya gacan ku haynta magaalada ayaa guulo kala sheegtay, wuxuuna midba kan kale ku eedeynayaa in weerarka iyo dagaalka uu billaabay, iyadoo aan wax caddeyn ah loo heyn cidda billowday dagaalka.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay nolosha ku qabatay 100 askari oo kamid ahaa ciidamadii soo weeraray Balad-xaawo, waxayna ku eedeysay Kenya inay kusoo hubeysan gudaha dalkeeda oo ay sidaas duulaan ugu soo qaadeen Beled-Xaawo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa beeniyay warkaas, isagoo eedeyn culus u jeediyay dowladda Farmaajo oo uu ku sheegay inay tahay mida hurinaysa dagaalka gobolka ka socda.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa mar uu u waramayay idaacadda BBC-da ayaa yiri: "Waa wax la yaab leh, ciidankaas waa ciidankii 11 sano Gedo difaaceeda ku jiray, dowladihii ku meel gaarka ahaa xilligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf laga soo bilaabo, dowladdii Sheekh Shariif oo aniga oo xildhibaan ah aan dhisnay, xeryo ciidamo ka soo baxay dowlado caalami ah naga kaalmeeyeen, ciidan qaran ah, marka hadde jabhadda ma kuwo indhaha loo soo duubay oo Shabaabka la aruuriyay oo nabad sugidda Xamar laga soo raray baa mise waa ciidankii dalka xoreeyay ee Soomaaliya u dhimanayay? Taas iyaga ayaa la weydiinayaa, Ilaahay ayayna ka furteen kuwa saa u hadlaya."

Kenya & Axmed Madoobe 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya kama jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya, laakiin qoraal ay soo saartey Isniintii waxay ku baaqdey in la joojiyo dagaalka Beled-Xaawo, oo sida ay sheegtay keeni karo xasilooni darro gobolka Geeska Afrika iyo qaxooti cusub oo dalkeeda usoo carara.

Hadallkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xili wali uu khilaaf diblumaasiyadeed oo meel sare gaaray uu dhaxeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya waxay aad u taageertaa Axmed Madoobe oo xulufo dhaw la ah, waxayna horey u sheegtay in ay u dhistay Jubbaland dhowr sabab oo ay kamid tahay inay dalkeeda ka difaacdo, waxayna geysay Ciidamadeeda sanadkii 2011-kii, kuwaasoo sanad kadib ku biiray AMISOM.

Farmaajo ayaa ku taageeray beeshiisa Mareexaan inay iska diidaan maamulka Axmed Madoobe, sidoo kalena aysan galin doorasho isaga maamulayo oo ka dhacda Garbahaarey, taasoo Xildhibaannada Federaalka ee ka imaanaya Gedo lagu soo dooranayo.

Colaadda sokeeye ee gobolka ay sii xoogeysanaysaa, ma jiraan dedaallo muuqda oo dagaalka lagu joojinayo, xalna looga gaarayo khilaafka keenay gacan ka hadalka ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale jira loolan u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya oo gobolka isku haya, maadaama labada dal uu xuduud la leeyahay, oo sidoo kale Ciidamo kawada joogaan, kuwaasoo kala taageeraya Axmed Madoobe iyo Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.