Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkan waxaa lasoo gabagabeeyay doorashaddii Aqalka Sare oo afar bilood qaadatey in lagu soo xulo 54 Senator, waxaana Rooble uu sheegay in Aqalka Hoose Xildhibaanadii lagu soo dooranayo mudo ka yar labo bilood, kala soco Macluumaadkii ku dhaafey Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

7 November 2021: Farmaajo oo mudo-xileedkiisu dhamaadey, una tartamaya kursiga markale ayaa si hoose u xaraashaya Shidaalka Soomaaliya, isagoo ruqasado ka iibinaya Shirkado reer galbeed ah. [Halkan kasii akhri].

Yuusuf Garaad ayaa qormo ka sameeyay dib u dhaca doorashadda dalka, isagoo sheegay in hanaanka hadii sidan uu kusii socdo ay qaadan doonto mudo labo sano ah. [Halkan kasii akhri].

8 November 2021: Musharixiinta ayaa walaac lasoo darsay kadib markii Fahad Yaasiin uu gacanta ku dhigay diyaarado drones ah, oo loo adeegsado weerarada. [Halkan kasii akhri].

Farmaajo ayaa looga shakisan yahay inuu Al-Shabaab u gudbiyo diyaaradaha drones-ka ee uu ex-Xildhibaan Zakariye uu dalka keenay, kuwaasoo ku jira gcanta Fahad Yaasiin. [Halkan kasii akhri].

9 November 2021: Mareykanka ayaa qorsheynaya in sidii Taliban ay wadahadal ula gasho Al-Shabaab, iyadoo adeegsanaysa Qatar oo argagaxisadda Soomaaliya maalgeliso. [Halkan kasii akhri].

Xasan Sheekh ayaa sheegay inaysan ka aqbali doonin Farmaajo inuu kursiga si sharci-darro ah ugu sii fadhiyo, islamarkaana aan la qaban doorashadda Soomaaliya. [Halkan kasii akhri].

10 November 2021: Farmaajo walaalkiisa ayaa wali xaaraan ku haysta Ganacsiga Qaadka Muqdisho, isagoo loo xiray leenka Itoobiya, kadib markii la joojiyay Qaadkii Kenya. [Halkan kasii akhri].

Hubkii Iran ay siiyay Xuutiyiinta Shiicadda Yemen, ayaa intiisa badan lasoo geliyay Soomaaliya, isagoo kasoo degay xeebaha Puntland, waxaana loo gudbiyay Al-Shabaab. [Halkan kasii akhri].

11 November 2021: Sheekh Shariif ayaa weerar afka ah ku qaadey Farmaajo, isagoo banaanka soo dhigay cidda leh mas'uuliyadda fashilka ku yimid doorashadda. [Halkan kasii akhri].

Qarax Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay Muqdisho, kaasoo lala eegtay AMISOM, waxaana uu ka dhacay meel xasaasi ah oo ku taalla saldhiga 2aad ee taliska Ciidanka. [Hakan kasii akhri].

12 November 2021: Waxaa mugi badan hareeyay Shirkii arrimaha Shidaalka Afrika, ee lagu qabtay Imaaraadka, kaasoo Soomaaliya ku xaraasheysay shidaalkeeda. [Halkan kasii kahri].

Waxaa laga deyrinayaa heerka uu marayo fanka Soomaaliyeed, kaasoo iminka uu la soo darsay bur bur dhan walba ah, isla markaana u baahan cid isu-taagta badbaadintiisa. [Halkan kasii akhri]. 

13 November 2021: Galmudug ayaa dooratay labadii kursi ee ka harsanayd Aqalka Sare oo midkooda Cabdi Qeybdiid kusoo baxay, waxaana ay u dhacday codeynta qaab aan lagu tartamin. [Halkan kasii akhri].

Xerada Xalane waxaa ka dhacay arin ugub ah oo aan horey uga dhicin AMISOM, waxaana cadaalad helay dhibaniyaal Soomaaliyeed oo dadkii ay jeclaayeen la xasuuqay. [Halkan kasii akhri].

14 November 2021: Galmudug ayaa sheegtay in Ciidankeeda badda ay qabteen Markab laga leeyahay China, oo si sharci-darro uga kalluumeysanayay xeebaha Hobyo. [Halkan kasii akhri]

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.