Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Rooble iyo Farmaajo ayaa ka dhex-qarxay loolan cusub oo ku aadan soo celinta xiriirka Imaaraadka, waxaana amaro isku soo horjeeda ay siiyeen Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, kala soco Macluumaad intaas dheer, Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka, ee Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

8 January 2022: MD hore Farmaajo ayaa diiday in la celiyo $9.6M oo dollar, oo April 2018 laga qabtey Garoonka Diyaaradaha, si loo hagaajiyo xirirka Imaaraadka. [Halkan kala soco].

Fahad iyo Farmaajo ayaa billaabey qorsho ay ku kala jebinayaan Badbaado Qaran, iyagoo isku dayay inay iibsadaan shaqsiyaadka ugu miisaanka culus Mucaaradka. [Halkan kala soco].

9 January 2022: Rooble iyo Madaxda Maamullada, ayaa shirkoodii lixda maalin socday kasoo saarey go'aanno iyo jadwal cusub, oo lagu soo afjarayo doorashadda. [Halkan kala soco].

Villa Somalia markaad gashid waxaad dareemaysaa inaad joogtid furin dagaal, iyadoo indhahaagu qabanayaan Ciidan oo iska soo horjeeda, oo difaacyo ku kala jira. [Halkan kala soco].

10 January 2022: Madaxda dalka Soomaaliya ayaa shirkii Muqdisho isaga leexiyay tooshkii ku shidnaa iyo Cadaadiska Beesha Caalamka iyo Midowga Musharixiinta. [Halkan kala soco].

Waxaa xukun dil toogasho ah lagu fuliyey, askari katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, kaas oo sanadkii tagay, qof rayid ah ku dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo. [Halkan kala soco].

11 January 2022: Farmaajo ayaa aamusnaanta ka baxay, isagoo jeediyay khudbad la duubey, oo uu kusoo dhaweeyay natiijadda Shirkii Gollaha Wadatashiga Qaran. [Halkan kala soco].

Mudooyinkii ugu danbeeyey, saameynta ay Kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin Gobollada Dhexe ayaa korortay, waana qorshe sida la sheegayo ka yimid Fahad Yaasiiin. [Halkan kala soco].

12 January 2022: Mareykanka ayaa ugu hanjabey hogaamiyeyaasha siyaasadda inuu tallaabo ka qaadi doono, hadii ay fulin waayaan jadwalka cusub ee doorashadda. [Halkan kala soco].

Qaar kamid ah Wasiiradda RW Rooble, ayaa lagu ogaadey inay saxiixeen qandaraasyo qarsoodi ah, oo malaayiin dollar ku lunsadeen, kuwaasoo amar la dul-dhigay. [Halkan kala soco].

Qarax weyn ayaa ka dhacay Muqdisho, kaasoo lagu soo beegay xili kacsanaan siyaasadeed jirtay, oo magaaladda labo dhinac isku hayaan qabashadda banaanbaxyo. [Halkan kala soco].

13 January 2022: Midowga Yurub, ayaa fashiliyay sheegashadda Kooxda Farmaajo oo uu ugu horreyeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, oo ku faafiyeen baraha bulshada. [Halkan kala soco]

RW Rooble ayaa qaatey go'aan adag oo uu ku jiheynayo siuaasadda arrimaha dibadda xili dagaal uga furan yahay dhinaca Farmaajo, oo xiriirka Caalamka xumeeyay. [Halkan kala soco].

Soomaaliya ayaa lumisay xuquuqdii codeynta Qaramada Midoobey kadib markii dowladda ay bixin waysay qaaraan sanadeedka, taasoo ceeb usoo jeeday dalka. [Halkan kala soco].

14 January 2022: Keydmedia ayaa warbixin gaar ah ka diyaarisay waxyaabaha keenay kacdoonka ka dhanka ah Farmaajo ee ka billowday magaaladda Muqdisho. [Halkan kala soco].

15 January 2022: Xog  ay KON heshay ayaa sheegaysa in Fahad Yaasiin uu kulan qarsoodi ah hotel ku yaalla gudaha Garoonka Aadan Cadde kula qaatey Guudlaawe. [Halkan kala soco].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.