Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa mid dhegaha shacabka ay maqleen akhbaar farxad ah kadib markii Rooble aqbalay inuu xubnaha NISA ka saaro gudiyadda doorashooyinka, kala soco macluumaad kala Warbixinta dhacdooyinka Todobaadka ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

 30 May 2021: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa bogaadiyay doorkii ay hoggaamiyayasha Maamul Goboledyadu ka qaateen in waddanku ka baxo xasillooni daradii siyaasadeed ee Farmaajo galiyay 12-kii April, isagoo ugu baaqey Rooble inuu fuliyo wixii lagu heshiiyay si doorasho nabdoon u dhaco [Halkan kasii akhri].

31 May 2021: Somaliland ayaa u dareertay doorashadda Baarlamaaniga iyo mida gollayaasha degaanka, oo ay isku diiwangeliyeen in ka badan hal milyan oo qof, kuwaasoo dooranaya Xildhibaanno cusub iyo Madaxda degmooyinka [Halkan kasii akhri].

1 June 2021: Musharixiinta Mucaaradka ayaa RW Rooble u gudbiyay liiska xubno katirsan NISA, Shaqaalaha dowladda iyo taageeriyaasha Farmaajo oo ay ka dalbadeen inuu ka saaro Gudiyadda doorashooyinka ee SEIT iyo FEIT & kan xalinta khilaafaadka [Halkan kasii akhri].

2 June 2021: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka badbaaday isku-day dil kadib markii Ciidamada Asluubta ay ku rasaaseeyeen Gaari uu saarnaa banaanka Kawaanka Malayga, oo laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe [Halkan kasii akhri].

3 June 2021: Dagaal ka dhacay degaan lagu magacaabo Jilable oo duleedka Jowhar ku yaalla waxaa ku dhintay taliyihii guutada 6aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed C/waaxid, Gaashaanle oo ahaa Sarkaal aad ugu firfircoon difaaca dalkiisa, kana dhex muuqday Ciidanka qaranka [Halkan kasii akhri]. 

4 June 2021: Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeyn diyaaradaha Kenya ka geysteen degaanno katirsan Gedo, oo uu kamid yahay Ceel-Cadde halkaasii ay ku dileen dad shacab ah [Halkan ka akhri Dacwad loo gudbiyay AU].

5 June 2021: Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka dhacay degaanno iyo degmooyin katirsan Somaliland, oo Gibiley ay ku jirto kadib markii lagu shubtay codadka doorashadii Baarlamaaniga iyo mid Gollayaasha degaanka ee la qabtay 31-kii May [Halkan kasii akhri].

Dhacdooyinka kale isla 5 June dhacay waxaa kamid ah qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay meel ku dhaw Ex-control Afgooye, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen in ka badan 5 qof.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in saddex tuulo oo Ciidamada dowladda dhiig badan uga daatey xoreyntooda ay dib ula wareegtay, iyadoo aan la kulmin iska-caabin [Halkan ka akhri].

Natiiyiinkii ugu dambeeyay ee laga soo saarey doorashadda Somaliland ayaa muujinaya in Xisbiga talada haya ee Kulmiye looga horeeyo kuraasta Baarlamaanka iyo Gollayaasha degaanka, taasoo cabaqad ku noqonaysa xisbigan uu Muuse Biixi hogaamiyo inuu ku guuleysto doorashadda Madaxtinimada sanadka 2022.

Gudigii heer wasiir ee uu RW Rooble magacaabey ayaa xalay saqdii dhexe soo saarey liis cusub oo 34 xubnood ah, kuwaasoo kamid ah 67 xubin oo Musharixiinta soo gudbiyeen si looga saaro gudiyadda doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.