Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa mid watay dhacdooyinkiisa u gaarka ah, haddaba waxaana warbixintan kugu soo gudbin doonaa kuwii ugu waaweynaa, tani waa dhacdooyinka Isbuucaan.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

7 September 2020: Qarax Gaari ayaa ka dhacay saldhig military oo ku yaalla degaanka Janaay Cabdalla, oo 60-KM galbeed uga began magaalada xeebta leh Kismaayo, oo ay degan yihiin Ciidamo Mareykanka ah iyo kuwa DANAB.

Inta la xaqiijiyay 4 askari oo Soomaali ah ayaa ku geeriyoodey weerarka is-miidaaminta ahaa, waxaana ku dhaawacmay dhowr kale oo uu ku jiro Askari Mareykanka ah.

8 September 2020: Al-Shabaab ayaa mudo kooban la wareegtay gacan ku heynta degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho, waxayna ku dishay weerarka askar badan.

9 September 2020: Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir C/raxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inuu walaac xoog leh ka qabo isku milanka Talisyada NISA iyo Ciidanka Xoogga dalka, isagoo xusay in Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo si toos ah uga amar qaato taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay Ciidanka ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed, ayuu yiri CC Shakuur.

10 September 2020: Waxaa dib u dhaca ku yimid shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamullada oo la qorsheeyay in uu ka furmo Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii Axmed Madoobe iyo Deni ay dalbadeen in meel kale oo Muqdisho kamid ah lagu qabto.

Isla maalintaas, qarax miino ayaa ka dhacay gudaha Maqaayad Shaah laga cabo oo ku taalla degmada Ceel-Waaq, ee gobolka Gedo, waxaana ku dhimatay 2 qof.

11 September 2020: Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay afaafka Masjid ku yaalla Kismaayo.

Dhacdada labaad: Gabar lagu magacaabey jiray AUN, Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir ahayd ayaa habeenkii Jimcaha lagu kufsadey dhismo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo markii dambe kuwii kufsaday dabaqa kasoo tuurey. Xamdi waxay sanadkan dhameysay waxbarashadda Dugsiga Sare, iyadoo kamid ahayd ardaydii gashay Imtixaanka dowladda 2019-2020.

12 September 2020: Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor-qoor' ayaa xili habeen ah kulan qarsoodi ah magaalada Nairobi kula yeeshay Saraakiil ka tirsan Imaaradka Carabta, sida ay KEYDMEDIA ONLINE u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Kulankaan oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa ka dhacay Hotel ku yaallo Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta, waxaana Qoor-qoor uu la kulmay Saraakiil uu hor kacayay Xuseen Darwiish Al-Shamsi oo ah Madaxa Mukhaabaraadka Imaaraadka u qaabilsan Geeska Afrika oo sidoo kale ah sii Hayaha Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Dhacdada labaad: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha, islamarkaana uu u tartamayo kursiga doorashadda soo socota.

13 September 2020: Shirka dowladda iyo Dowlad goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan doorashooyinka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Sirkan oo labo jeer dib u dhacay ayaa la filayaa inuu socdo maalmo, iyadoo gaba-gabada laga soo saari doono war-murtiyeedka ku saabsan nooca doorashadda iyo waqtiga la qabanayo, taasoo horey khilaaf uga taagnaa.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.