Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey, Muqdisho waxay gashay marxalad dagaal, oo dad lagu qiyaasay 100,000 oo qof ay ku barakaceen markii ugu horeysay muddo ka badan 15 sano, kala soco macluumaad dheeraad ah warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

25 April 2021: Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Musharixiinta Mucaaraadka ayaa ka dhacay xaafado dhowr ah oo ku yaalla magaaladda Muqdisho, oo ay ku jiraan Hodon iyo Howlwadaag, waxayna askarta daacada u ah Farmaajo weerar ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Musharax CC Warsame.

26 April 2021: Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga jawaabtay eedeynta uga timid dowladda Federaalka, ee waqtigeedu dhamaadey ee ah inay faragelin ku sameysay go'aankii Gollaha Amniga iyo Nabad Midowga Afrika ee xaaladda Soomaaliya.

27 April 2021: Beesha Caalamka ayaa war qoraal ah kasoo saartay xaaladdii Muqdisho, waxayna cambaareysay dagaalladii ka socday qeybo kamid ah magaaladda, oo u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaradka.

28 April 2021: Rooble ayaa ugu baaqey shacabkii ka barakacay Muqdisho, oo QM ay ku qiyaastay illaa 100,000 oo qof inay guryahooda dib ugu soo laabtaan, isagoo sheegay in Xukuumadiisa ay ka shaqeynayso nabada iyo xasiloonida sidii lagu soo celin lahaa.

Dhacdo 2aad: Farmaajo ayaa jeediyay Khudbad uu ku shaaciyay inuu dib ugu laabanayo wadahadallada doorashadda, taasoo meesha ka saartay muddo-kordhintii labada sano ee Gollaha Shacabka u sameeyay 12-kii April 2021.

Dhacdo 3aad: Qarax Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay afaafka xarunta Ciidanka Asluubta ee ku dhaw Ex-control Afgooye, waxaana ku dhimatay weerarka ugu yaraan 7 qof, oo askar iyo shacab isagu jirtay, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

29 April 2021: Fahad Yaasiin ayaa Muqdisho kasoo dejiyay hub iyo Ciidan uu ka keenay Eritrea, kuwaasoo uu ugu tala-galay inuu kula dagaalamay mucaaradka dowladda kala wareegay qeybo kamid ah Caasimadda Soomaaliya, ee Muqdisho.

30 April 2021: Tacadiyada ka dhanka ah Saxaafadda ayaa cirka isku shareeray, tadobaadyadii la soo dhaafay waxaana xarig, jirdil iyo handadaadd loo geystay Wariyayaal kala jooga Muqdisho, Galmudug iyo Somaliland.

Dhacado 2aad: Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta Danab ayaa fashiliyay qarax ay damacsanayd kooxda Al-Shabaab in ay ka geysato magaalada Muqdisho, oo  mudooyinkii dambe xiisad dagaal ka jirtay.

1 May 2021: Farmaajo ayaa khudbad uu u jeediyay Gollaha Shacabka ku dalbaday in dib loo soo celiyo heshiiskii Sep 17 ee doorashadda dadban, isagoo sidoo kale maamulka doorashadda iyo amaanka ku wareejiyay Rooble.

Isbedelka dhacay waxaa laga soo dhaweeyay dal iyo dibada, maadaama uu yahay tallaabo loo qaadey dhanka nabada iyo doorashooyinka Soomaaliya, waxayna meesha ka saartay walaacii la qabay in dalka uu galay xukun kaligii-talis ah.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.