Is-dhiibista Janan / EXCLUSIVE

Farmaajo oo sirta Axmed Madoobe ku bixiyay $2.3 Mil.

Warbixin Keydmedia Online

Dembiilihii shalay ayaa maanta noqday shaqsi muhiim ah oo maal iyo muruq badan lagu bixiyay inuu dowladda kusoo biiro, Keydmedia Online ayaa macluumaad ka heshay sababta Cabdirashiid Janan uu iskugu soo dhiibay dowladda Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo wuxuu ku bedeshay is-dhiibistiisa. 

Farmaajo oo sirta Axmed Madoobe ku bixiyay $2.3 Mil.

Cabdirashiid Janan oo ahaa dembiile baxsad ah oo gabood-fallo isagu jira dilal, xariga, jirdil iyo u dhiibis Itoobiya shaqsiyaad muhiim ah ka geystay gobolka Gedo 2014-2015 ayaa Shalay, Arbaco, March 24 isku soo dhiibay dowladda Farmaajo.

Xog ay KON heshay ayaa xaqiijinaysa in Janan oo ku bedeshay is-dhiibitiisa dowladda lacag dhan $2.3 milyan, waxeyna Keydmedia Online ka heshay macluumaadkaas Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda ee ku sugan Beled-Xaawo iyo Sarkaal kale oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya. 

Qareen Turki ah ayaa matalayay Janan in lacagta loogu diro offshore account, sida ay ogaatay Keydmedia Online. Sidoo kale, KON ayaa ogaatay in Janan uu muddo wadahadallo hoose la waday Dowladda Federaalka. 

Lacagta waxaa bixiyay Fahad Yaasiin, taliyaha NISA oo heshiiska la galay Janan, sidoo kalena ahaa shaqsiga billaabay wadahadallada qarsoodiga ahaa ee Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland lagu soo xero geliyay.

Janan ayaa siiyay Fahad Yaasiin xog xasaasi ah oo ku saabsan taliyeyaasha Ciidanka Jubbaland sida kuwa Nabad Sugida iyo Militeriga, gaar ahaan kuwa muhiimka ah ee uu Farmaajo daneynayo inay kasoo goostaan Axmed Madoobe.

Janan ayaa waxaa la aaminsanyahay in uu la kulmi doono Farmaajo, waana ninkii ugu dambeeyay oo isagoo dembiyo ka galay shacabka Farmaajo ku abaalmarinayo lacag iyo darajo. 

Farmaajo iyo Janan waa isku reer, waxay kasoo wada jeedaan Beesha Mareexaan, oo Gedo degta. C/llaahi Kulane oo isku qabiil yihiin ayaa isna qeyb ka ahaa qorshaha Janan ee looga soo saarey Axmed Madoobe.

Janan wuxuu ka baxsaday Xabsiga ku yaalla Muqdisho January 2020, isagoo lagu soo eedeeyay dembiyo culus oo Maxkamadda gobolka Banaadir hal mar lasoo taagay kadib markii August 2019 lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadda.

Wuxuu markii uu baxsaday u tallaabay xadka Kenya, isagoo Ciidamo ku aruursaday xerada Kapedo camp oo Mandheera duleedka ku taalla, isagoo bishii Jan 2021 weerar uu kusoo qaaday Beled-Xaawo xili habeen ah, iyadoo dagaalkii uu la galay Ciidanka Gor-Gor ay ku dhinteen 11 qof oo shacab ah.

Caruur isla dhalatay ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay hoobiyeyaashii Janan ku garaacey Beled-Xaawo, oo uu ka barakiciyay boqolaal qoys oo Soomaaliyeed kuwaasoo wajahaya xaalad bini'aadanimo, maadaam Gedo abaar ay ka jirto.

Waa kuma Cabdi Janan?

  • Waa Dagaal-ooge in kabadan 50 ruux ay madaxiisa u dhinteen, kaddib dagaal aad u qaraar oo dhex maray ciidamo uu watay iyo kuwa xamar diyaarad laga saaray ay isku fara-saareen magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo!
  • Waa shakhsigii saq-dhexe hoobiyaha ku garaacay magaalada Balad-xaawo oo ku laayay caruur iyo waayeel, qoys ka kooban aabo iyo shan caruura uu dhalay ayaa habeenkaas gurigooda madafac loogu diray, shan caruura oo wada dhalatay ayaa madaxa laga gooyay goob qura.
  • Waa shakhsigii ciqaabi jiray reer Gedo ee inta baabuur ku daba xiro dadka amar ku bixin jiray in lagu jiido dariiqyada qofkii uu u arko inuu amarkiisa ka hor imaanayo.
  • Waa shakhsigii inta dadka madaxa bac uga xiro ku kharqin jiray biyaha ilaa ay naftu ka baxdo, waana shakhsi dambiyo qaran ka galan umadda ku dhaqan gobolka Gedo gaar ahaan magaalooyinka doolow iyo iyo Balad-xaawo!

Hay'adda Amnesty ayaa shalay soo saartey qoraal ay uga hadashay isa soo dhiibista Janan, iyadoo ugu baaqday dowladda inay ninka xirto oo Maxkamad horkeento, si ay cadaalad u helaan ehelada dadkii uu laayay iyo kuwii uu tacadiyadda u geystay.

Isla dowladda Maanta Janan soo dhaweysay ayaa sanadkii tagey Booliska Aduunka ee Interpol ka dalbatay in lasoo xiro, maadaama demiyo culus lagu soo eedeeyay, islamarkaana uu baxsad yahay.

Sharciga Farmaajo wuxuu ka dhigtay La-jiifiyaa banaan, la joojiyaa banaan.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.