Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.

Keydmedia Radio

Keydmedia Radio

TOP 10

Nuug Camel Milk
Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed - (Documentation-Film) Daawo Video

Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed - (Documentation-Film) Daawo Video

Dalka Soomaaliya juquraafi ahaan waxa uu ku yaala cirifka Bari ee Qaaradda Afrika , waa dhul istaraatiijyada wanaagsan leh isla markaana Surinka ku haya marinbiyoodka caalamiga ah ee Baabul mandab oo xiriiriya Badweynta Hindiya iyo badda Cas isla markaana ahmiyad u leh.

Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho (QEYBTI-2AAD)

Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho (QEYBTI-2AAD)

Qeybti Hore halkaan dhag sii - Xubin walba oo ka mid aheyd qoyska dharaar iyo habeen laabteeda kama go’in xusuusta qiimaha badan ee ay u hayaan gurigooda ku yaalay degmada Hodan, waxaana sekin walba oo ka mid ah waqtiyada soo mara qoyskaas ay laabta ku hayaan in maalin uun iyagoo aan madfac iyo mootar ka baqeyn ay ku soo laabtaan gurigoodii.

Madaxweyne-Socdaal, Muxuu ku danbeyn?

Madaxweyne-Socdaal, Muxuu ku danbeyn?

Waxaa ka soo wareegratay mudo sanad iyo sideed bilood ka badan xiligii Shariif Shiikh Axmed Shiikh Max’ud loo doortay Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya, waxaana arinkaasi uu ku yimid shir Qm loogu soo gabaday balse abaabulkiisii hore ay laheyd dowlada Maraykanka.

MA MATAANAA NAZIYIINTII JARMALKA  IYO…

MA MATAANAA NAZIYIINTII JARMALKA IYO…

Buug waxaa gacanteyda ku soo dhacay ciwaankiisu yahay “COMNADO HIMMLER” waxaa qoray Sven Hassel, waxaa afka talyaaniga u badalay gabar Talyaani ah oo lagu magacaabo Giovanna Rossell waa daabacaadii 294-aad, waa taariikh buuxda oo ka hadleysa Xukunkii Hitler hogaamiyihii Jarmalka Naaziga ahaa ee maruu xabsiga ku jiray qoray buug uu ugu magac daray “MEIN KAMF”oo macnaheedu uu yahay halgankeygii, Buugaasoo aad u yaraa Hitler wuxuu ku qoray mabaa’diida Naaziga ee uu ku xukumay Jarmalka mudadii uu talinayay.

MADAALAHA LUG-GOOYADA !!!

MADAALAHA LUG-GOOYADA !!!

Taariikhda dunida laguma arkin lagumana maqal nin ku hamiyay inuu kaligiis hogaan u noqdo dal iyo bulsha dhan isala markaana uu wada helo awoodii Baarlamaanka, tii golaha wasiirada, tii Madaxweynaha, tii ciidamada IWM, waxaase arinkaasi markii ugu horeysay lagu arkay Soomaaliya.

Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho

Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho

Sheekadan aan ugu magac darnay Hankii Hodan iyo Hooga Muqdisho, waa mid aynu ku qaadi dhigi doono saameynta dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku yeesheen dagaalada iyo waliba dhibaatooyinka laga dhaxlay dagaalada ka socda Muqdisho ee dhimasho, dhaawac, barakac, bur intuba leh, waxaan idin soo gudbin doonaa dhacdooyin murugo uur ku taalo iyo caloolyow ba’an laga dhaxlay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho wixii ka danbeeyay 2006-dii.

WALIGAA MA LA SHEEKEYSATAY 110 SANO JIR EE XISBIGII S.Y.L?

WALIGAA MA LA SHEEKEYSATAY 110 SANO JIR EE XISBIGII S.Y.L?

Dr. Ismail Malaas - Photo By: Bashiir Muuse Xassan & Cali Said Xassan (1988 - Baydhabo)Waxaan ka mid ahaa horseedkii xisbiga SYL “Somali youth league” xisbigii uu aas aasay Shiikh C/qaadir Shiikh Sakhaawudiin Shiikh Aweys, sidaa waxaa yiri oday aan magacan u baxshay “oday gaboobe” maadaama uu dhalay rag aqoonyahana ah oo Muqdisho ka shaqeeya qaar ganacsata ah iyo gabdho tan u yar 50 jir tahay tan u weynina ii sheegtay in ay 73 sano jir tahay.

TODOBAADKII WAALIDA, BARLAMAANKA SOOMAALIYA

TODOBAADKII WAALIDA, BARLAMAANKA SOOMAALIYA

Dad badan marka ay arkaan hal ku dhiga sheekadan, waxa ay la noqoneysaa in aan ka hadleyno arimo la xiriiro dhimirka iyo cudurada maskax garaadka la xiriira ee laga dhaxlay dagaalada ujeeda badanka ah ee ka socda gudaha Dalka.

Allow kudka aan qanje noo bedelin!!

Allow kudka aan qanje noo bedelin!!

Xuuraanka siyaasadda Soomaaliya ruuxii si hagaagsan ula socdaa, wuxuu dareemayaa in Ra’isul wasaare Cumar C/rishiid uu ku jiro afartankii ugu danbeeyey cimriga xilkiisa xilligan, waxaana dhagaha dadka maalmahaan danbe si talan taalli ah ugu soo dhaceyey codod u eg kuwa xanuunka sakaraatku qofka uu hayo lagu yaqaano, oo dadka Soomaaliyeed ay durbaba ay ku xasuusteen kuwii isaga ka horeeyey ee cudurada haleeley gabanka ina C/rishiid ah ay kol hore ku dhaceen kuwaasoo kala ahaa Cali Geeddi, C/hi Yusuf iyo Adam Madoobe, calaamadaha caanka ah ee cuduradaasi lagu yaqaano waxaa ka mid ah qandhada ka qeylisiineysa ina C/rishiid sida shirar jaraa’id oo waqtiyo kala duwan oo isu dhow-dhow la qabto, isla markaana hadallo isku mid ah laga sheego, kuwaasoo kala ah qeyo-dhaan waa warey, yaa tol ahey, car, wir, booto, casho qaadid, qado, afur sameyn, laaluush bixin, iyo safaro dawladaha lagu tago oo laga dalbanayo iney arinta ku soo baxaan.

Yariisow. Xaqdhowr Saxafiga!!!

Yariisow. Xaqdhowr Saxafiga!!!

Waa arin adag in qof joogaa Soomaaliya uu xiligan ka shaqeeya Saxaafad qabaneysa adeeg dhab ka hadalnimo ah, waxaana dalka xiligan aad ugu badan dadka ay dhibeyso runta aadna u jecel beenta iyo qofka Sheega.

Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalaya kulan madaxeedka New York!

Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalaya kulan madaxeedka New York!

Keydmedia (London) - Warar lagu kalsoon yahey oo aanu ka helney madaxtooyada Soomaaliya ayaa tilmaamaya in madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif Sh. Axmed uu u socdaali doono magaalada New York ee dalka Mareykanka asagoo ka qeybgalaya fadhiga madaxeedka guud ee qaramada midoobey ee dhacaya 20-22 bishaan September 2010.