Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Waxay Todobaadkii tagey Soomaaliya gashay labo marxaladood, dagaal iyo diyaar-garow doorasho oo wata khilaafyo cusub oo abuuraya xaalad hubanti la'aan ah, kala soco Macluumaad badan, Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

12 July 2021: Waxaa mudo hil bil ah aan warbixin soo gudbin Gudi RW Rooble u magacaabey baaritaanka dhalinyarada ku maqan Eritrea, ee la sheegay in lagu dilay dagaalka Tigray iyagoo ka barbar dagaalamayay Ciidanka Itoobiya. [Halkan kasii akhri].

13 July 2021: Fahad Yaasiin, taliyaha NISA iyo ku-xigeenkiisa Kulane Jiis, oo Farmaajo qaraabo dhaw yihiin ayaa lagu eedeeyay inay dileen Ikraan Tahliil, oo ahayd gabar 23-jir ah oo madax ka ahayd qeybta Amaanka Internet-ka [Cybersecurity] ee hay'adda Nabad Sugida. [Halkan kasii akhri].

14 July 2021: CC Warsame ayaa ku baaqey in la bedelo taliyaha NISA, Fahad Yaasiin si xal loogu helo dhibaatooyinka ay geysanayaan hogaanka Nabad Sugida, oo noqday mid aan wax laga qaban karin, maadaama ninkii dhisay dowladda Farmaajo uu madax ka yahay. [Halkan kasii akhri].

15 July 2021: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Xamza Siciid Xamza, oo hore loogu eedeeyay si xun u xooleysi (musuq baahsan), ayaa si dadban u sheegay inuu qeyb ku leeyahay masuuliyadda guuldarradii xulka qaranka ka soo gaartay dalka Oman. [Halkan kasii akhri]. 

16 July 2021: Qarax Is-miidaamin ahaa ayaa ka dhacay duleedka Bacaadweyne, kaasoo Ciidamada dowladda ay fashiliyeen kadib markii la toogtay Darawalkii wadey Gaariga lagu soo xiray walxaha qarxa. [Halkan kasii akhri].

Gudiga hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaalka [FIET], ayaa soo saarey jadwal cusub oo ku saabsan waqtiga la qabanayo doorashadda Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka 11-aad. [Halkan kasii akhri].

17 July 2021: Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay degaanka Bacaadweyne, ee Koofurta Mudug kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab oo mudo Todobaad kahor qabsatay. [Halkan kasii akhri].

Magaaladda Hobyo oo kamid ah goobaha Taariikhiiga ah dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay laga furay Iskuul Dugsi Sare ah, kaasoo loogu tala-galay inuu dabool baahida waxbarashadda ardayda dhameystay Dugsiyadda Hoose iyo Dhexe. [Halkan kasii akhri].

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday eedeymo uga yimid Midowga Afrika, oo ku saabsan in hogaanka Farmaajo ku fashilmay dalka inuu gaarsiiyo doorasho heshiis lagu yahay mudadii afarta sano ee uu xukunka haystay. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.