Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobadii maalin ee ugu dambeeyay, qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhacay doorasho aan kuraasta lagu tartamin, iyadoo Rooble uu sameeyay safar xoog badan abuuray, kala soco dhacdooyinkii ugu dambeeyay warbixinta Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

10 August 2021: Mudo 30 sano kadib, Rooble ayaa noqday Ra'iisul Wasaarihii ugu horeeyay oo ku safra duulimaadka loogu tala-galay Ra'iisul wasaariyaasha ee lambarkiisu yahay SOM-001. [Halkan kasii akhri].

Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa u yeertay Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dagaal ka dhaxeeyay Farmaajo mudooyinkii ugu dambeeyay ee mudo-xileedkiisa. [Halkan kasii akhri].

11 August 2021: Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa doortay 11-ka Kursi ee laga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana Deni uu kusoo saarey Wasiiro katirsan Xukuumadiisa. [Halkan kasii akhri].

Keydmedia Online ayaa ogaatey in RW Rooble uu kusii jeeda dalka Masar, waxaana safarkiisa uu imaanayaa xili dhawaan kasoo laabtay wadanka Kenya oo saddex maalmood booqasho qaadatay kusoo bixiyay. [Halkan kasii akhri].

12 August 2021: Baarlamaanka Galmudug ayaa doortay lix Kursi oo kamid ah sideeda Kursi ee uu ku leeyahay Aqalka Sare kadib doorasho aan lagu tartamin oo ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb, taasoo cabasho badan ka timid. [Halkan kasii akhri].

Musharixiinta mucaaradka ayaa walaac xooggan ka muujiyay qaabka ay ku billaabatay doorashadda Baarlamaanka, oo noqotay mid boob uu ka jiro kuraasta Aqalka Sare. [Halkan kasii akhri].

James Swan ayaa warbixin ka siiyay Gollaha Amaanka xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga, doorashadda iyo bini'aadanimada. [Halkan kasii akhri].

13 August 2021: KON ayaa daabacday warbixin ku saabsan in Wasiir katirsan maamulka Farmaajo oo lacag u duray Gabar uu adeer u yahay oo u tartamaysay kursi Baarlamaanka doorashadda Australia. [Halkan kasii akhri].

14 August 2021: Musharixiinta Mucaaradka ayaa shir soconaya saddex maalin uga furmay Jazeera Hotel, iyagoo uga arinsanaya xaaladda dalka iyo doorashooyinka socda. [Halkan kasii akhri].

Walaac laga qabo in gacanta la iskula tago doorashadda Aqalka Hoose, maadaama mida Aqalka Sare ay ku billaabatay qaab musuq-maasuq iyo boob xoog leh. [Halkan ka akhri warbixin].

Farmaajo ayaa Muqdisho ka sheegay inuu raadinayo xalka dhibaato isaga abuuray xili uu xusul-duub ugu jiro dib u doorasho. [Halkan kala soco].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.