Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkan, wuxuu ahaa Todobaad loo dabaal-degay Maalmihii xoriyadda, maadaama uu deraan wadaniyad jiro, dadku waxay iftiinka dowladnimada ka arkeen meel fog, Macluumaadkii ku dhaafay oo rogaal celis ah, ka akhriso Warbixinta Todobaad-laha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

 28 June 2021: Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Saakow ee Jubadda Dhexe ku toogatay lix qof, oo Haweenay ay ku jirto, kuwaasoo ay ku eedeysay inay ahaayeen Sirdoon. [Halkan kasii akhri].

RW Rooble ayaa ka daah-furay Teendhada Afisyooni Shirkii Madaxda Maamullada iyo Dowladda Dhexe, kaasoo dib u eegis lagu sameyayay heshiiskii doorashadda oo hal bil kasoo wareegatay markii la saxiixay May 27, iyadoo la isla eegayo waxyaabihii qabsoomay, kuwa haray iyo caqabadaha jira sidii loo wajihi lahaa. [Halkan kasii akhri].

29 June 2021: “Galmudug gacanta ayay ka baxaysaa haddaan xal degdega loo helin," waxaa sidaasi yiri taliye-ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdisalaam Guuleed. [Halkan kasii akhri]. 

RW Rooble ayaa magacaabey gudiga dib u heshiisiinta Gedo, waana tallaabo loo aada xalinta dhibaatadii ugu cuslayd doorashadda Soomaaliya, oo illaa hadda laga baqayo in soo afjarideeda waqti dheer qaadato, oo dib u dhac kale keento. [Halkan kasii akhri]. 

Xafiiska Ra'iisul wasaare Rooble ayaa soo saarey jadwalka doorashadda Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha, oo la qabanayo waqtiga aad isagu dhaw isla sanadkan inta uusaan dhamaanin. [Halkan kasii akhri]

30 June 2021: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle, ayaa lagu eedeeyay inuu hormuud u noqday hirgalinta qorshe shacabka lagu qaldayo si loo boobo hatida dad weynaha. [Halkan kasii akhri]. 

Puntland ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay ku dileen duleedka Qandalla Muuqaal-duube [Cameraman], katirsan Daacish oo isaga iyo mid kale la toogtay kadib qaraxa lala eegtay kolonyo gaadiidka militeri. [Halkan kasii akhri].

1 July 2021: waxay Soomaaliya xustay maalintii xornimadda qaateen goboladda Koonfureed iyo maalintii uu dhashay midowga labada gobolka, Koonfur iyo Waqooyi, waxayna ahayd 61 guuradii kasoo wareegatay gobonimada.

CC Warsame, ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay la degeen labo fekradooda, oo kala ah kiligiis Muslim [Al-Shabaab] iyo Kiligii Wadani [Farmaajo], waxaana laga dhaxlay arrimaha dhaabooyin waaweyn, oo dib u dhigay hanaanka dowlad-dhiska dalka. [Halkan kasii akhri].

Qorsho ay iska kaashanayaan Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka billowday Kismaayo, kaasoo ujeedkiisu yahay inay labadan hogaamiye ay iska kaashadaan kahor tagga inuu Farmaajo mar labaad soo laabto. [Halkan kasii akhri].

2 July 2021: Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad ku taalla nawaaxiga xarunta NISA ee isgoyska Jubba aan ka fogeyn, iyadoo ay ku dhaawacmeen 20 kale. [Halkan kasii akhri].

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay inay Ciidamo Soomaali ah ka dagaalameen gobolka Tigray, ee waqooyiga Itoobiya kuwaasoo si qasab ah looga soo waday xeryihii ay ku tababaranayeen gudaha Eritrea. [Halkan kasii akhri].

3 July 2021: Wasaaradda Batroolka ayaa shaacisay in dib loo dhigay mudo aan la cayimin bixinta ruqsadaha shidaalka, iyadoo sida Keydmedia Online ogaatay uu Farmaajo hoos kawado Xaraashka 7 baloog oo ku yaalla Galmudug illaa Jubbaland. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.