Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii na dhaafay, wuxuu watay maalmo kale oo Madaxweyne Farmaajo baal-mugdi ah ka galay Taariikhda Soomaaliya, waxay shacabka ku xasuusan doonaan dhibaatooyinkii laga dhaxlay Maamulkiisa, waa Warbixinta dhacdooyinka todobaadka ee Keydmedia Online. 

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

20 October 2020: Maxamed Aadan Koofi, oo ah agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ka badbaadey qarax miino oo gaari uu saarnaa lagula eegtay afaafka CID-da, oo ku dhaw Isgoyska KM-4 ee magaaladda Muqdisho.

21 October 2020: Keydmedia Online ayaa daabacday xog ku saabsan in Farmaajo qorsheynayo inuu xilka ka qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo sidoo kale isbedel uu ku sameynayo talisyada laamaha Amniga degmooyinka Gobolka Banadir.

22 October 2020: Baaritaanka KON sameysay ayay ku ogaatey in Wasaaradda Caafimaadka ayaa noqotay Wasaaradda koowaad ee hoggaaminaysa musuq-maasuqa baahsan ee ka dhex socda wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda kadib markii ay lunsatay malaayiin dollar oo loogu tala-galay la dagaalanka COVID-19, oo hay’addo caalami ah iyo dalaka deeqaha bixiya.

23 October 2020: Wariye C/laahi Kulmiye Caddow oo dib u helay xorriyaddiisa, ayaa Keydmedia Online ogaatay sababta lagu siidaayay suxufiga ay ahayd in Radio Kulmiye ogolaanay inuu joojiyo baahinta wareysiga Abuukar Cadaan.

24 October 2020: Saddex maalin kadib warbixinta KON, Farmaajo ayaa isbedel ku sameeyay taliska Ciidanka Xoogga dalka, isagoo Jeneraal Cabaas Amiin oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka u magacaabey Taliye ku-xiggeenka Ciidanka, isagoo Taliyaha Ciidanka Dhulka u  magacaabay Maxamed Tahliil. Sidoo kale, Taliye kuxigeenka Ciidanka Dhulka waxaa laga dhigay Xuseen Xoosh.

Xukuumadda saddex-biloodka ah ayaa heshay codka kalsoonida Baarlamanka, iyadoo isla maalintaa 24-ka October lagu dhaariyay Wasiiradda goobtii lagu ansixiyay, waxayna toos ula wareegeen shaqadda.

25 October 2020: Maxkamadda Militeriga Soomaaliya, ayaa xukuno kala duwan ku riday 11 qof, oo lagu helay dembi ah inay ka qeyb qaateen weerarkii 10-kii August 2020 lagu qaadey Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ay ku dishay Sarkaal Ciidan oo magaciisa ku sheegtay Cali Mad Yeeroow, sidoo kalena ay ku dhaawacday askar kale oo DF katirsan weerar ka dhacay Qansax-Dheere.

Meydka Gabar yar inta la dilay kadibna wajiga laga burburiyay si aan loo aqoonsan ayaa laga helay magaaladda Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland, iyadoo looga shakisan yahay in la kufsaday.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa safar ku tagey Turkiga, isagoo ka duulay Kenya oo maalmihii dambe ka wadey olole doorasho, maadaama uu yahay musharax Madaxweynaha doorashadda 2020-21.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.