Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkan waxa soo ifbaxay kiiska dilka Ikraan Tahliil, oo mudo ka badan labo bilood lagu waysanaa nolol iyo geeri, iyadoo RW Rooble la kulmay cadaadis dhinacyo badan, kala soco macluumaad intaasi ka badan Warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Warbixin Keydmedia Online
Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

30 August 2021: Sida ay ogaatay Keydmedia Online, waxaa mushaar laa’aan in muddo ah soo socotay ka cabanaya shaqaalaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, waxaana saacadihii u danbeeyay bannaanka u soo baxay qeylo dhanaata howl-wadeennada hay’addan. [Halkan kasii akhri].

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa ku amray Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe, inuu hakiyo ijaarka, (Kireynta) qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka, oo uu saxiixay inay 20-sano ku shaqeysato Shirkadda Xaawo Taako. [Halkan kasii akhri].

31 August 2021: Gollaha Ammaanka ee QM ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxa ay muddo kordhin u sameeyeen Hawl-galka QM ee Taageeradda Soomaaliya [UNSOM], kaasoo aan waxba qaban intii uu jiray tan iyo 2013. [Halkan kasii akhri].

1 September 2021: Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Madaxweynaha dibad-joogga ah ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa eedday, kana shaleynaya ku-hoos noolaanshaha Farmaajo iyo kooxdiisa, oo ku daneystay. [Halkan kasii akhri].

2 September 2021: Dagaal siyaasadeysan oo ku saleysan boobka hantida dowladda iyo dhulka danta guud ayaa ka dhex-qarxay xafiisyada Farmaajo iyo Rooble. [Halkan kasii akhri].

Waxaa Muqdisho ku dhintay xubin muhiim u ahayd kooxda loo xil-saarey kiiska Badda, oo weli Maxkamadda ICJ aysan go'aan kasoo saarey kadib markii ay dhageysatay bishii March 201. [Halkan kasii akhri].

NISA ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay Al-Shabaab dishay Ikraan Tahliil, oo mudo labo bilood ka badan la waysanayaa, iyadoo warkan uu gilgiley quluubta waalidkeeda iyo shacabka Soomaaliyeed. [Halkan kasii akhri].

3 September 2021: Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay dilka AUN Ikraan Tahliil Faarax, oo hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay xalay sheegtay in Ikraan ay ku baxday gacanta kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida. [Halkan kasii akhri]. 

4 September 2021: Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa mudo 48 saacadood ah u qabtay Fahad Yaasiin inuu ku keeno warnixin dhameystiran, oo ku aadan kiiska Ikraan Tahliil. [Halkan kasii akhri].

5 September 2021: Dib u dhac ayaa markale ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka Soomaaliya, iyadoo ay u muuqato inuu xafiiska Rooble ku fashilamayo howsha doorashooyinka. [Halkan kasii akhri].

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo ku eedeysan kiiska dilka Ikraan Tahliil ayaa ku galay aroos dalka Turkiga, isagoo guursadey Gabar uu waalid u yahay Sheekh Villa Somalia la shaqeeya. [Halkan kasii akhri xogta].

6 September 2021: Farmaajo ayaa kahor yimid xilka-qaadista Fahad Yaasiin uu ku sameeyay Ra'iisul Wasaare Rooble kadib markii uu kasoo jawaabi waayay dalabkii loo gudbiyay. [Halkan ka akhri]

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.