Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkan waxaa isbedeshay siyaasadda dalka, iyadoo khilaaf iyo is-jiid-jiid uu ka dhex-qarxay Farmaajo iyo Rooble, iyadoo Fahad laga qaadey xilka taliyaha NISA, warbixinta Todobaadlaha kala soco Macluumaad dheeraad ah.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

6 September 2021: RW Rooble ayaa qaatey go'aan geesinimo leh, oo xilka uga qaadey Fahad Yaasiin, oo dad badan aaminsanaayeen inaysan jirin cid tusin karta inuusan ahayn geed ka dhex-baxay dowladda. [Halkan kasii akhri].

Farmaajo ayaa durbadiiba kahor yimid go'aanka Rooble, wuxuuna ku amray Fahad inuu shaqadiisa sii wato, taasoo abuurtay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex-galay labada xafiiska ee ugu sareysa dalka. [Halkan kasii akhri].

7 September 2021: Falcelin ayaa ka dhalatay qodob wareed ay qortay Keydmedia, oo ku saabsanaa in Fahad Yaasiin uu dalka Turkiga ku aroosay Gabar uu dhalay Sheekh Bashiir Axmed Salaad. [Halkan kasii akhri].

8 September 2021: Iska hor-imaad ayaa xarunta NISA ee Habar-Khadiija ku dhex-maray Ciidan kala taabacsan Farmaajo iyo Rooble kadib markii Yaasiin Fareey uu la wareegay goobta. [Halkan kasii akhri].

RW Rooble ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digreeto uu Farmaajo ku magacaabey Yaasiin Fareey, inuu noqdo taliyaha NISA, isagaa Fahad oo ku eedeysan kiiska Ikraan uu u dalacsiiyay la-taliyaha amniga qaranka. [Halkan kasii akhri].

Warbaahinta Qaranka ayaa laga joojiyay in lagu daabaco wararka Farmaajo, kadib markii Rooble iyo isaga uu ka dhex-qarxay khilaafkii ugu xooganaa oo salka ku haya xilka-qaadista Fahad Yaasiin. [Halkan kasii akhri].

Rooble ayaa Xildhibaan C/llaahi Axmed Nuur u magacaabey wasiirka amniga kadib markii uu xilka ka qaadey Xasan Xundubeey, oo dhanka Farmaajo la saftay [Halkan kasii akhri].

9 September 2021: Waxaa la shaaciyay xiliga ay dhacayso doorashadda 8-da Kursi ee HirShabeelle laga siiyay Aqalka Sare, taasoo uu Guudlaawe tartankeeda u furay mucaarad iyo muxaafid. [Halkan kasii akhri].

10 September 2021: Farmaajo ayaa la sheegay inuu dalbadey inuu diyo ama mag ka bixiyo dilka Ikraan Tahliil xili kiiska uu gaarey heer qaranka, islamarkaana uu khatar geliyay Fahad Yaasiin. [Halkan kasii akhri].

11 September 2021: Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, ee mudo-xileedka ka dhamaadey Dec 2020, Maxamed Mursal ayaa lagu eedeeyay inuu abuurayo jawi colaadeed. [Halkan kasii akhri].

Kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Lafta-Gareen iyo Qoor-Qoor, Farmaajo iyo Rooble ayaa kulmay xili khilaafkooda oo cirka isku shareeray, waxana iska-fahan ka gaareen wadahadallada wajiga 1aad. [Halkan kasii akhri].

Mudo kadib, aabaha dhalay Ikraan Tahliil ayaa soo hadlay, isagoo dalbadey in Gabadhiisa ay hesho cadaaladda, waxaana uu meesha ka saarey in kiiska lagu dhameeyo xeer jajab. [Halkan kasii akhri].

War ugub ah ayaa kasoo baxay Kulankii Rooble iyo Farmaajo oo lagu kala dhaqaaqay, iyagoo ay sii dhimanayso rajadii laga qabey in muranka labada mas'uul lagu xaliyo wadahadal. [Halkan kasii akhri xogta KON].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.