Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxay dowladda Farmaajo gashay qaladaad waaweyn oo qaranimada dhaawacaya, kuwaasoo ay kamid tahay cayrinta safiirka Kenya Lucas Tumbo, akhriso warbixinta todobaadlaha ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

30 November 2020: Waxaa ka dhacay Villa Somalia kulan albaabada u xiran, oo Fahad Yaasiin isagu yeeray Farmaajo, Rooble iyo Qoor-Qoor, kaasoo lagu gorfeeyay arrimaha doorashooyinka, waxaana isla garteen 3da Mas’uulk in aan dheg jalaq loo siinin baaqyada Musharixiinta Mucaaradka Soomaaliya.

1 December 2020: Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle C/xakiin Luqmaan, ku xigeenkiisa iyo Xildhibaanno badan ayaa ka badbaadey shil diyaaradeed xili ay kusoo jeedeen magaaladda Beledweyne.

Diyaaradda oo ka duushay Jowhar kuna sii jeeday xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo wajahday ciladda kadib markuu uu demay mid kamid ah matooradda ay ku duusho, iyadoo arintaas ku qasabtay duuliyaha inuu ku dejiyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

2 December 2020: Yuusuf Garaad Cumar wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya horayna looga eryay xafiiskiisa ayaa loo magacaabay in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

3 December 2020: Waxay heshay Keydmedia Online soo qortay macluumaad ku saabsan in magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ay ka socdaan kulamo lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya xili mudo-xileedka dowladda Farmaajo uu sii dhamaanayo.

4 December 2020: Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku eedeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dulmisay shacabka gobolka Hiiraan, islamarkaana mas'uul ay ka tahay xiisadda ka jirta magaalada Baladweyne.

5 December 2020: Gollaha midowga musharaxiinta oo walaac xoog leh ka muujiyay arrimo ay kamid yihiin Ruqsad bixinta baarista shidaalka Soomaaliya oo loo marayo waddo sharciga hareer marsan.

Guddigii doorashada ee heer federaal ee lagu muransanaa ayaa doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, guddigan oo ku xareesnaa hotel ku yaal gudaha garoonka diyaardaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa halkaasi uga socday tababar la xiriira habka shaqada doorashada.

6 December 2020: Macluumaad ay heshay Keydmedia Online ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uu abaabul dagaal ka wado gobolka Gedo, waxaana Saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ka degay gobolkaasi diyaarado hub sida.

Madasha Musharrxiinta doorashada 2020-2021 ayaa ku dhawaaqay taliyeyaasha Musharraxiinta, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sugista ammaanka Madasha, sida ay ogaatay Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.