Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Todobaadkii tagey wuxuu ahaa mid u baxay Soomaaliya ileys ifiyay tubta doorashadda, waxaana heshiis taariikhi ah laga gaarey Khilaafkii mudada dheer soo jiitamayay, uga boqo macluumaad badan warbixinta dhacdooyinka Todobaadka ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

23 May 2021: Meydka AUN Bashiir Maxamed Maxamuud [Gaboobe], oo ahaa nin dhalinyaro ah oo Soomaali ah, Ganacsade ahaa ayaa laga helay webi ku yaalla tuuladda Nyamindi, ee gobolka Kirinyaga County, kaasoo 180-KM u jira Nairobi kadib mudo ku dhawaad labo Todobaad ah oo la waysanaa.

Gaboobe ayaa loo maleynayaa inay Ciidanka la-dagaalanka argagaxisadda Kenya ay dileen, maadaama qaabka loo afduubey iyo dilkiisa sida dowladda uga falcelisay muujinayaan in kiiska uu ahaa mid shirqool ah. 13-kii bishan ayaa la afduubay isagaa meel maqaaxi ah kasoo baxa Ciidul Fitriga kadib, Gaarigiisa ayaa la gubey, waxaana la baabi'iyay cadeymihii CCTV duubeen.

Dhacdo kale: Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay inay 250 askari oo si gaar ah u tababaran usoo dirayso Soomaaliya, si ay yga qeyb-qaataan la-dagaalanka Kooxda Al-Shabaab oo Mareykanka horey u joojiyay kadib markii Ciidankiisa kala baxay dalka January 2021.

24 May 2021: Qarax culus oo geystay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaaladda Baydhabo, ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed, oo mudooyinkii dambe amnigeeda faraha kasii baxayay [Halkan kasii akhri].

Dhacdo kale: Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhig Ciidamada Puntland ku leeyihiin buuralayda Galgala, ee gobolka Bari halkaasoo uu ka socdo hardan u dhaxeeya maamulkan iyo kooxaha argagaxisadda. [Halkan kasii akhri].

25 May 2021: Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta warbixin kooban Golaha Ammaanka ka siiyay xaaladaha Soomaaliya [Halkan kasii akhri nuxurka Khudbadiisa]. 

Dhacdo kale: Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNSOM, ayaa ka hadlay xog ku saabsan weerarkii kooxda Al-Shabaab ku qaadey xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso bishii March ee 2021 [Halkan kasii akhri].

26 May 2021: Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa dad xoolo-dhaqato ah ka afduubtay degaanno ku yaalla duleedka degmada Diinsoor, ee gobolka Baay, sida Keydmedia Online xog ku heshay. [Halkan kasii akhri].

Dhacdo kale: Weerarada soogalooti naceybka Koonfur Africa ka socda, ayaa shantii bilood ee lasoo dhaafay waxaa lagu dilay in ka badan 30 qof oo ganacsato Soomaali ah, oo si arxan-darro ah loogu dhex dilay goobahooda ganacsiga [Halkan kasii akhri].

Abwaan, majaajiliiste Sooraan oo dhulka Soomaalida degto aad looga yaqaaney ayaa ku geeriyoodey magaaladda Burco, isagoo u dhintay xanuunka Covid-19, oo mudo maalmo ah Isbitaalka la jiifay [Halkan kasii akhri].

27 May 2021: RW Rooble, Madaxda shanta Maamul Goboleed iyo duqa Muqdisho ayaa heshiis aan waxba kama duwaneyn kii Sep 17 ku saxiixay Teendhada Afisyooni oo mudo 4 maalmood ay ku shirayeen, waxaana lagu soo gunaanuday xafladda madaxdii hore iyo kuwa maanta iyo beesha caalamka kasoo qeybgaleen [Hakan kasii akhri nuxurka heshiiska].

28 May 2021: Qarax ayaa ka dhacay suuq Qaadka lagu iibiyo oo ku yaalla magaaladda Baydhabo, kaasoo sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac [Halkan kasii akhri]. 

29 May 2021: Kumanaan arday ah oo ka qalin-jebinaysa Dugsiga Sare ayaa u fariistay Imtixaanka shahaadiga, kaasoo ah mid ay qabanayso dowladda sanadkii 7aad, waxaana uu ka dhacayaa Muqdisho, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, iyadoo ka maqan tahay Puntland [Halkan kasii akhri].

Dhacdo kale: Wasiir katirsan maamulka Galmudug ayaa xilka si deg deg ah looga qaadey kadib markii uu xiisad beeleed ka abuuray degaanka Balanballe oo isaga uu kasoo jeedo, halkaasii uu ka dhisay Golle degaan oo beeshiisa Mareexaan u sed-buriyay [ Halkan kasii akhri].

RW Rooble iyo Madaxdii saxiixay heshiiska doorashadda ayaa la kulmay Wakiiladda Beesha Caalamka, si ay u waydiistaan taageero dhaqaale oo lagu fuliyo doorashooyinka la filayo inay 60 cisho gudahooda uga qabsoomaan dalka.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.