Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey waxay Soomaaliya iyo Kenya soo celiyeen xiriirkii diblomaasi ee ka dhaxeeyay, kaasoo lix bilood kahor uu jaray Farmaajo, macluumaadkan iyo kuwa kale ka akhriso Warbibinta Todobaadlaha ee Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka Soomaaliya

2 May 2021: Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa la kulmay Sheekh Shariif, oo ah Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, haddana ah Musharax iyo gudoomiyaha Midowga Musharixiinta, isagoo kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka taagan Muqdisho.

3 May 2021: Senator Muuse Suudi ayaa sheegay in Farmaajo maadaama uu muddo-xileedkiisa dhamaadey laga doonayo inuu kursiga banneeyo, oo ka guuro Madaxtooyadda, si lamid ah Madaxdii isaga ka horeysay ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

4 May 2021:  Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Qatar u qaabilsan La-dagaalanka Argagixisada iyo Dhex-dhexaadinta Khilaafaadka Dr Mutlaq bin Majed Al Qahtani ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ujeedka socdaalkiisa Soomaaliya.

5 May 2021: Wabiga Shabeelle, ayaa fatahaado hor leh ka geysay degaanno hoos taga magaalada Jowhar ee xarunta u ah, maamulka HirShabeelle, iyadoo ay ku barakaceen qoysas aad u badan, waxaana ku baab'bay dalagyo beeraha ku yaallay. 

Dhacdo 2aad: Heshiis ka kooban 10 qodob ayaa laga soo saaray shirkii galabtay ku dhexmaray magaalada Muqdisho guddigii farsamada ee uu RW Rooble magacaabay ayna goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiin kala duwan.

Dhacdo 3aad: Saddex qof ayaa ku dhimatay Qarax culus oo ka dhacay degmada Kaxda, ee gobolka Banaadir kaasoo ujeedkiisu ahaa Injineero dhismo casri ah kawadey degaanka mudooyinkii dambe.

6 May 2021: Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib usoo celisay xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyay Kenya, kadib markii ay labada dowladood dhex-dhexaadisay Qatar oo wafdi heer sare ah usoo dirtay Muqdisho/

Dhacdo la xiriirta: Ergayga Qatar Al-Qahtani ayaa fariin gaar ah oo uu ka wadey amiirka dalkiisa Sheekh Tamim Bin Xamad Al-Thaani gudoonsiiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, saacado kadib markii DF ku shaacisay inay soo celisay cilaaqaadka Kenya.

7 May 2021: Roob xoog leh oo Habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay ka da'ay ayaa waxaa ku dhimatay 9 Carruur ah, oo 5 kamida ay hal qoys kasoo jeedeen, kadib markii uu biyo ugu galeen Guri ay ku jireen oo ku yaalla Xaafadda Buula-Xuubey, ee degmada Wadajir.

Dhacdo 2aad: Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa gaarey dalka Sacuudiga oo u gudashadda Cumradda u aadey, waxaana safarkiisa ku wehliyay xubno katirsan Gollahiisa Wasiiradda.

Dhacdo 3aad: Ciidamada Badbaado Qaran ayaa ka baxay goobihi i ay kaga sugnaayeen magaaladda Muqdisho, gaar ahaan Siigaale, Barmuudo, Miranaayo iyo Dabka kadib markii heshiis laga gaarey arrimihii ay u sameeyeen gadoodka, oo ay kamid tahay inuu Farmaajo iska daayay muddo-korarsiga labada sano ee shari-darrada ahayd.

Dhacdo 4aad: Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsanaa mudanayaasha Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidoo kalena horey usoo nqoday dowladdii C/llaahi Yuusuf Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra'iisul Wasaare ku-xigeen ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

8 May 2021: Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Muusa Faki Maxamed ayaa Madaxweynihii hore ee Ghana usoo magacaabey inuu dhex-dhexaadiyo Khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka taagan dalka Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.