Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaadkii tagey, Soomaaliya waxay gashay marxalad doorasho, iyadoo gudiyadda ay doorteen hogaan cusub, balse wali waxaa su'aallo badan la iska waydiinayaa hufnaantooda iyo madaxbanaanidooda, wax badan oo ku dhaafay, kala soco warbixinta Todobaadlaha Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

4 July 2021: Keydmedia Online ayaa daabacday warbixin gaar ah oo ku saabsan baaritaano ay ku sameysay isku-milanka Al-Shabaab iyo hay'adaha amniga dowladda Soomaaliya, oo xubnaha hogaanka u haya intooda badan yihiin kuwa ka yimid Kooxda argagaxisadda. [Halkan kasii akhri].

Maxamed Xasan Cirro, oo guriga Fahad Yaasiin mudo ku noolaa, kana kamid ah dadka sida indha la'aanta u taageera Farmaajo ayaa loo doortay gudoomiyaha gudiga doorashadda Heer Federaalka. [Halkan kasii akhri].

5 July 2021: Warbixin gaar ah oo Keydmedia Online qortay ayaa banaanka soo dhigtay in Talaalka COVID-19 laga diiday gudaha Soomaaliya inay dadka qaataan, waxaana fashilkan lagu eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka oo sameyn waysay wacyigelin iyo inay dadka la wadaagto xog dhab ah oo ku saabsan tallaalka. [Halkan kala soco].

Dagaallo ayaa ka qarxay Galmudug qeybo kamid ah, iyadoo Al-Shabaab ay qabsatay dhul ballaaran, taasoo khatar gelinaysa Dhuusamareeb in lala wareeggo xili Qoor-Qoor uu noqday Madaxweyne dibad-joog ah oo mas'uuliyaddii maamulkiisa u dayacay danta Farmaajo. [Halkan ka akhri].

6 July 2021: Kooxda Al-Shabaab ayaa si sahlan kula wareegtay degmada Bacaadweyne, oo katirsan gobolka Mudug kadib markii ay soo faarujiyeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug. [Halkan kasii akhri warka].

Musharixiinta Mucaaradka ayaa sheegay in Farmaajo uu galay qiyaanno qaran iyo dembi dagaal, waxayna ku baaqeen in laga hor-istaaggo inuu u tartamo xilka mar 2aad doorashadda Oct 10. [Halkan kala soco].

7 July 2021: Farmaajo oo ah Madaxweynihii 2aad ee ugu xumaa oo soo mara Soomaaliya kadib Siyaad Barre ayaa isla meel dhiga marwalba Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan Cadde, oo Africa hal-qabsi u noqday dhanka dimuqraadiyadda iyo xukunka oo aan la isku dhejin. [Halkan ka akhri warbixinta KON].

8 July 2021: Axmed Madoobe ayaa billaabay inuu ugaarsado xubnaha mucaaradka ku ah maamulkiisa, wuxuuna Garoonka Kismaayo kasoo celiyay la-taliyaha arrimaha doorashooyinka Farmaajo, kaasoo lagu eedeeyay inuu qeyb ka qaatay khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland. [Halkan ka akhri].

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA C/salaan Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay qarka u saaran tahay inay gasho gacanta Al-Shabaab [Halkan ka akhri sababta].

9 July 2021: Dood adag ayaa ka dhalatay toogashadii ka dhacday Puntland, ee lagu fuliyay 21 qof oo Puntland ku eedeysay inay la shaqeynayeen Al-Shabaab, kuwaasoo ahaa dhalinyaro kasoo jeeda gobollada Koonfurta Soomaaliya. [Halkan akhri].

10 July 2021: Qarax Is-miidaamin ah ayaa ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee magaaladda Muqdisho, kaasoo lala eegtay Taliyaha booliska Muqdisho Farxaan Qaroole, oo Al-Shabaab hore ah. [Halkan ka akhriso].

RW Rooble ayaa gaarey magaaladda Garbahaarey, ee xarunta gobolka Gedo, isagoo kasoo duulay Kismaayo oo mudo labo maalmood ah ku sugnaa. [Ujeedka socdaalkiisa halkan kala soco].

11 July 2021: Mid kamid ah Wasiiradda Xukuumadda RW Rooble ayaa lagu helay musuq-maasuq oo ku sameeyay hantida dadweynaha, isagoo ka faa'ideysanaya xaaladda kala guurka. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.