Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka waxaan adinku soo gudbinaynaa Wararkii ugu waaweynaa ay Keydmedia Online tebisay Todobadii Maalmood ee lasoo dhaafay, kala soco Macluumaadkii ku dhaafay.

Dhacdooyinkii Todobaadka ee Soomaaliya

17 January 2021: Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa shaacisay inay Soomaaliya si biixda uga soo baxeen Ciidamadooda oo u gaaraya 700 illaa 1,000 oo askari xili khatarta Al-Shabaab sii kordhayso.

Dhacdo 2aad: Taliyaha DANAB Cabdullaahi Beeryare iyo Taliyaha guutada 6aad, ayaa ku dhaawacmay weerar qarax miino ah oo lagu qaadey Kolonyo galbinaysay Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii tuuladda Tixsiile.

18 January 2021: Taliyihii  Ciidanka DF ee Baardheere Maxamed Dheere ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax magaaladda banaankeeda lagula eegtay gawaarigiisa Maalin kahor dhimashadiisa.

Dhacdo 2aad: Banaanbax ballaaran oo ay isagu yimaadeen hooyiinka dhalay Carruurta Farmaajoiyo Fahad Yaasiin ay dagaalka Tigray geliyeen, ayaa ka dhacay Gaalkacyo, waxayna waalidiinta dalbadeen in Caruurtooda nolol ama geeri midkooda loo xaqiijiyo.

Dhacdo 3aad: Mid kamida Wariyeyaasha ka howl gala magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo lagu magacaabo Kilwe Aadan, ayaa muddo 22 cishe ah ku xiran xabshi sharci darro ah.

19 January 2021: Afar qof oo ay ku jireen Cali Maxamed Macalin oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Garasbaaley iyo Cabdirashiid Dubad oo isna ahaa guddoomiyaha dhalinyarada degaankaas ayaa lagu dilay Qarax miino oo Kooxda Al-Shabaab kula eegatay Gaari ay la socdeen duleedka Muqdisho.

Dhacdo 2aad: Kooxda Al-Shabaab ayaa la wareegtay degaanka Mashallaay, halkaasoo ahayd xarun ay ku sugnaayeen Ciidamada Uganda ee katirsan AMISOM ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose.

20 January 2021: Keydmedia Online ayaa baahisay Macluumaad ku saabsan in Madaxda Sirdoonada Itoobiya iyo Eratariya ay si qarsoodi ah ku tageen Muqdisho, kadibna ay xarunta NISA kulan kula qaateen Fahad Yaasiin xili ay soo baxeen warar sheegaya in boqolaal dhalinyaro Soomaali ah ay ku dhinteen gobolka Tigray iyagoo la dagaalamaya TPLF.

Dhacdo 2aad: Sida ay Keydmedia Online ogaatey, Ciidanka NISA ayaa gudaha u galay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kadib markii ay heleen xog ku saabsan in Mucaaradka ay Lacag dibadda uga timid ay kasoo degtay.

21 January 2021: Gudoomiyihii degmada Hodon, ee gobolka Banaadir C/xakiin Ciise Dhegajuun ayaa xili saqdii dhexe lagu dilay rasaas gaarigiisa ay ku fureen Ciidan boolis ah oo ku sugan jidka Aadan Cadde, ee magaaladda Muqdisho.

Dhacdo 2aad: Labo Wariye oo kala ah C/llaahi Warsame Rooble iyo C/wali Maxamed Tooxow ayaa lagu xiray Xabsiga Dhuusamareeb kadib amar kasoo baxay Qoor-Qoor oo horey ugu eedeeyeen Suxufiyiinta Galmudug inay xiriir la leeyihiin Kooxda Al-Shabaab.

22 January 2021: Macluumaad ay Keydmedia Online heshay, ayaa sheegaya in Farmaajo uu qorsheynayo inuu kala diro guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka, kaasoo ay diidanaayeen Midowga Musharaxiinta iyo Maamullada Jubbaland iyo Puntland.

23 January 2021: Xildhibaanno hore Muxudiin Xasan Afrax iyo Xuseen Caraale ayaa lagu dhaawacay Qarax miino oo gaari ay wateen lagula eegtay Muqdisho, waxaana weerarka ku dhintay 4 askari oo ilaalo u ahayd.

Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in dayaca uu Farmaajo amniga dalka dayacay uu sababay korarka Qaraxyadda magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE




Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.