Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

Warbixin Keydmedia Online

Todobaad kasta Soomaaliya waxay u tahay bog cusub oo Taariikhdeeda geedi socodka nabada iyo dowladnimada kamid ah, ka akhriso wixii ku dhaafay Warbixinta Dhacdooyinka Todobaadka Keydmedia Online.

Dhacdooyinka Todobaadka ee Soomaaliya

6 June 2021: Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan. [Halkan kasii akhri].

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir CC Warsame ayaa dhaliilay habka turxaabinta guddiyada doorashada, asigoo su'aallo ka keenay hannaanka loo maray turxaan-bixinta xubnaha la eedeeyay, ee ay u gudibiyeen RW Rooble. [Halkan kasii akhri].

7 June 2021: Danjiraha Imaaraadka oo ah dal aan isku wanaagsanayn xiriir ahaan dowladda Soomaaliya ayaa la kulmay RW Rooble, iyagoo kawada hadlay arrimaha dhowr ah oo ay kamid tahay u gargaaridda dadka uu saameeyay fatahaadda wabiga Shabeelle. [Halkan kasii akhri]. 

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu eedeeyay inuu is-hortaag ku sameeyay gudiga uu Rooble u xilsaarey turxaan-bixinta xubnaha cabashadda laga keenay. [Halkan kasii akhri]. 

8 June 2021: MD hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu dembiyo dagaal ka galay Soomaaliya, islamarkaana uu rabo inuu ku qariyo doorashooyinka. [Halkan kasii akhri].

Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare ee BFS Abshir Bukhaari ayaa furaya gal-dacwadeed ka dhan ah Farmaajo iyo Fahad kadib markii kumanaan dhalinyaro ah oo ay tababar ugu direen Eritrea la waayay nolol iyo geeri. [Halkan kasii akhri].

9 June 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay guddi sare ee farsamo oo ka taageeraya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha arrimaha doorashooyinka, guddiga ayaa ka kooban toddobo xubnood kaasoo uu madax uga dhigay nin ay iskala soo shaqeeyeen ILO. [Halkan kasii akhri].

Waxaa wali taagan muranka ka jira xudduudaha Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana maanta mar kale dib u qarxay dood xooggan oo ka dhalatay booqasho uu guddomiyaha Gobolka Banaadir ku tagay degaanka Jaziira. [Halkan kasii akhri].

10 June 2021: MD hore Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo inay iibsatay dhalinyarada tababarka loogu diray sida sharci darrada dalka Eritrea, kadibna la geliyay dagaalkii gobolka Tigray ee dhacay dhamaadkii 2020. [Halkan kasii akhri]. 

Kenya ayaa ku dhawaad hal bil kadib fasaxday duulimaadka Soomaaliya, iyadoo tallaabada ay si diiran usoo dhaweysay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay mid loo qaaday dhanka soo-celinta xiriirka labada dal oo xumaa tan iyo Dec. 2020. [Halkan kasii akhri].

11 June 2021: Qaar kamid ah waalidiinta ay ka maqan yihiin Caruurtooda ayaa dibadbax ka dhan ah Farmaajo ka dhigay magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo mid kaas lamid ah Muqdisho lagu qabtay. [Halkan kasii akhri].

Rooble ayaa sheegay inuusan ahayn musharax u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo caddeeyay inuu qaban doono doorasho loo siman yahay, oo dhinacayada si xor iyo xalaal ah uu tartami doonaan. [Halkan kasii akhri].

12 June 2021: Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa shaqadiisii ku soo aruurtay safarro aan micno lahayn oo Muqdisho iyo dibada ku bixinayo, isagoo dayacay waajibaadkii saarnaa ee ahaa inuu ugu adeego shacabka Galmudug. [Hakan kasii akhri]. 

Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta Rooble, ayaa u istaagay marin habaabinta arrinta dhalinyarada loo qaaday Eritrea, wuxuuna magacaabay guddi la rumeysan yahay in uusan dhexdhexaad ahayn, oo u badan kooxda Farmaajo. [Halkan kasii akhri].

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warbixin 18 November 2022 23:58

Haddii Madaxweyne Xasan uu doonayo in uu dalka Al-Shabaab ka xareeyo iyadoo ay hoggaanka Ciidanka joogaan adeegayaashii Farmaajo oo Biixi, Xijaar iyo Odawaa ugu horreeyaan waa nasiib-darro waxayna rajadiisu u muuqataa riyo maalmeed.